Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa kulankii Farmaajo iyo Biixi

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa "si dul-mar ah" kaga hadlay kulankii ay horaantii bishaan magaalada Addis Ababa ku yeesheen madaxweyneyaasha Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Rodney Hunter, isu duwaha siyaasada howlgalka Mareykanka ee Qaramadda Midoobay, ayaa arrintaan kusoo qaadey khudbadii uu u jeediyey Golaha Ammaanka oo ka shiray xaalada Soomaaliya.

Is-aragga Farmaajo iyo Biixi oo ahaa midkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay waxaa soo agaasimay Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, wallow ay jiraan awooda daaha gedaashiisa ku jira.

Hunter, oo soo jeediyey in horey loosii waddo wadahadalka, ayaa caddeeyay mowqifka xukuumadda Washington ee kulankaas "lama filaamka ahaa".

"Waxaan ku bogaadineynaa madaxweynaha in uu la hadlo hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka oo uu ku jiro [kulankii] dhowaan ee madaxweynaha Somaliland [Muuse Biixi Cabdi], waxaana rajeynayaa in ay hogaamin doonto xal balaaran oo geedi u socodka dib-u-heshiisiinta ah," ayuu yiri.

Dhanka kale, Hunter ayaa tilmaamay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Farmaajo iyo maamulada qaarkood, wuxuuna dhinacyadda ku booriyey wadahadal.

"Is-aqbalaadda, wadaxaajoodka iyo tanaasulka waxay muhiim u tahay dhamaan dhinacyadda si loo xaqiijiyo ammaanka, xasiloonida iyo barwaaqadda Soomaaliya," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, xukuumadda federaalka ayuu ku tartarsiiyey in ay dib u bilowdo howlgaladda la hakiyey ee gobolka Shabeellaha Hoose si loosoo afjaro maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM