Mareykanka oo xaqiijiyey inuu duqeyn la eegtay sarkaal Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe 17-kii bishan December.

WASHINGTON, United States - Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamadda Mareykanka ayaa ka warbixisay duqeyn lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa koonfurta dalka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys, ayaa qoraal ku sheegay in howlgalkan looga dan lahaa in lagu burburiyo "horjoogaha argagixisada u qaabilsanaa abaabulka weerarrada argagixisanimada".

Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray in howlgalka dhanka cirka ah uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe 17-kii bishan December.

Dhanka kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa Idaacadda VOA-da waxa uu u xaqiijiyay "saxnaanta warbixinta dowladda Soomaaliya".

Hase ahaatee, ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan magaca horjoogahan iyo goobta uu rasmi ahaan ka dhacay howlgalkan dhanka hawadda ah.

Markii ugu dambeysay oo Mareykanku uu duqeyn la beegsado taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab waxay ahayd bishii May markii duqeynta lagu dhaawacay madaxa howlgallada dibadda ee kooxda xagjirka ah, Macallin Cismaan.

Cismaan ayaa lagu eedeeyay in uu dusha kala socday qorista dagaalyahanada Ajaanibka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ​​dagaalada ay Al-Shabaab kula jirto dowladda Soomaaliya.

Mareykanka waxa uu tababaraa cutubyo Soomaali ah, waxaana uu hub ugu deeqaa ciidamada Soomaaliya, waxaana uu fuliyaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab — oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika muddo ka badan hal sano iyo bar.

Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay in ay xididada u siibi doonto kooxdaasi oo la sheegay "in ujeedadoodu tahay inay dhisaan dawlad ku salaysan tafsiirkooda Shareecada, ama shareecada Islaamka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh ma xiri karaa Axmed Madoobe?

Kismaayo100% waxay gacanta ugu jirtaa Axmed Madoobe, dhanka dibada cirka iyo dhulka cid aan isaga ogeyn kama soo gali karto magaaladda.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 06:06PM

Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 08:36AM