Marka: AMISOM oo lagu eedeeyey inay dishey dad rayid ah

Image

Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada AMISOM ay ka fuliyeen magaaladaasi ay ku dhinteen dad rayid ah.
 
Maxamed Macalin Iideey oo ka mid ah dadka Marka degan ayaa VOA u sheegay in  AMISOM ay si bareer ah u dishay aabihii iyo 4 wiil oo la dhashay iyo waliba adeerkii.
 
Talaabadan ayaa waxay ka danbeysay markii ciidamada AMISOM qarax lala eegtay.
 
AMISOM waxay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay arrintan baarayso.
 
Bishii hore ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dad rayid ah ku dileen Marka, inkasta oo taliska sare ee AMISOM arrintaas beeniyey.

Xigasho: VOA

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM