Marka: AMISOM oo lagu eedeeyey inay dishey dad rayid ah

Image

Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada AMISOM ay ka fuliyeen magaaladaasi ay ku dhinteen dad rayid ah.
 
Maxamed Macalin Iideey oo ka mid ah dadka Marka degan ayaa VOA u sheegay in  AMISOM ay si bareer ah u dishay aabihii iyo 4 wiil oo la dhashay iyo waliba adeerkii.
 
Talaabadan ayaa waxay ka danbeysay markii ciidamada AMISOM qarax lala eegtay.
 
AMISOM waxay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay arrintan baarayso.
 
Bishii hore ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dad rayid ah ku dileen Marka, inkasta oo taliska sare ee AMISOM arrintaas beeniyey.

Xigasho: VOA

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM