Markab howlo basaasnimo fulinaya oo loosoo diray biyaha Soomaaliya

Image

TOKYO, Japan – Dowladda Japan ayaa markab nooca dagaalka ah kaasoo qabanaya howlo basaasnimo ah waxay u soo dirtay biyaha ku teedsan Soomaaliya, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Wasaaradda Gaashaandhiga dalkaas ayaa tilmaamtay in markabkaas uu uruurin doono xogaha sirdoonka ee howlgaladda lagu badbaadinayo maraakiibta dalalka xiriirka ganacsi la leh xukuumada Tokyo.

Markabka oo sidoo kale ka shaqeyn doono la dagaalanka burcad-badeeda ayaa Gacanka Cadan gaar ahaan nawaaxiga xeebaha Soomaaliya ka howlgalaya labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Macluumaadka uu uruuriyo markabka waxaa lala wadaagi doonaa dowladdaha shisheeye ee shaqo wadaaga ay yihiin, sidda ay tabisay saxaafadda.

Diyaarad nooca dagaalka ah ayaa wehlisa markabka oo magaciisu yahay The Takanami, kaasoo haysta ogolaanshiyo caalami ah.

"Wuxuu kaloo ka hortagi doonaa weerarada ka dhanka ah maraakiibka Japan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada.

Sikastaba ha ahaatee, Japan ayaa kamid ah dowladaha caalamka qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda Soomaaliya, halkaasoo ay ku leedahay maraakiib dagaal iyo ciidamo fuliya howlgaladda gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM