Maxaa ka jira in la afduubtay markab kusoo socday Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubatay markab ku safrayey calanka Panama, sidda ay Wakaaladda wararka Reuters kasoo xigatay sarkaal aysan magaciisa si rasmi ah u shaacin.

Markabkan oo ka yimid Imaaraadka Carabta isla markaana aan la ogeyn waxa uu sido ayaa lagu waramay in uu kusoo wajahnaa dekadda magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ku xusan warbixinta majaladda, weerarka lagu afduubtay markabkan ayaa wuxuu dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay.

Muuse Saalax, gudoomiyaha gobolka Gardafuu ee dowladda Puntland, ayaa xusay in dableyda weerarka fulisay ay gaarayeen lix rag ah.

Illaa iyo haatan, si dhaba uma cadda tiradda shaqaalaha iyo muwaadiniinta la socotay markabkan. Ma jiro war kasoo baxay dowladda.

Dhacdooyinka la xiriira shufta badeedka ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu hooseeyay hareeraha iyo xeebaha waddanka Soomaaliya.

Dhanka kale, warar uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in markabka uusan gelin xaalad afduub ah isla markaana uu xeebaha degaanka Raasiga u soo galay gabaad ahaan.

Dadka degaanka magaalada Bareeda ee gobolka Gardafuu ayaa la xaqiijiyey in ay kadib u rideen ilaalo. Mana cadda, hadii uu galay xaalad afduub ah.

Falkaan ayaa ka dhigan in ay dib u soo laabteen burcad-badeeda, arrintaas oo mar kale indhaha caalamka kusoo jeedineysa waddanka isla markaana noqon karta dharbaaxo kale oo dowladnimda soo wajahdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM