Mas'uul isku day dil kaga badbaadey magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey in ku nafwaayey, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax miino oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo goobjoogeyaal ay rumeysan yihiin in uu ahaa miinada meelaha fog-fog laga hago ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay nawaaxiga xarunta degmada Dayniile.

Sidda ay muujinayaan macluumaadka laga helayo saraakiil amni, bartilmaameedka weerarka wuxuu ahaa Mahad Sharaawe, oo ah xoghayaha degmadda Dayniile.

"Mas'uulka wuxuu marayey goobta markii uu qaraxu dhacaayey. Waxaa la sheegay in aysan waxba kasoo gaarin qaraxa oo uu badqabo," ayuu yiri sarkaal magaciis qarxiyey.

Wuxuu ku daray: "Nasiib darro, dadka geeriyoodey iyo kuwa dhaawaca ah waxay ahaayeen kuwa wada marayey. Balse, waxaa Ilaahey mahadii ah in khasaaruhu yar yahay".

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida".

Qaraxyadda miinooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayey caasimadda Muqdisho, iyaddoo bartilmaameedka uu ahaa saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM