Mas'uul isku day khaarijin kaga badbaadey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay tirro kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay degmadda Yaqshid ee gobolka Banaadir, sidda ay sheegeen saraakiil amni.

Qaraxa oo jugtiisa ay cusleyd waxaa lala beegsaday gaari uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Yaaqshiid, Cabdullaahi Shiilow.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa intaas ku daray in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Hotel Guuleed.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay ururka Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad oo noociisa ah oo Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho isla maanta gudahiisa. Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xaafadda Qoob-dooro ee degmadda Kaaraan ee Muqdisho.

Weeraradaas oo loo adeegsaday miino ayaa lala beegsaday gaari ka shaqeynayey wacyi-gelinta safmareenka Coronavirus. Qofka dhintay wuxuu ahaa darawalka, halka saddexda dhaawacantay ay ahaayeen askartii ilaalineysay.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey xeradda Xalane gaar ahaan nawaaxiga garoonka Aadan Cadde. Hoobiyeyaasha waxay ku hab-sadeen qol dadka ay adeega ku sugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM