Mas'uul isku day khaarijin kaga badbaadey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay tirro kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay degmadda Yaqshid ee gobolka Banaadir, sidda ay sheegeen saraakiil amni.

Qaraxa oo jugtiisa ay cusleyd waxaa lala beegsaday gaari uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Yaaqshiid, Cabdullaahi Shiilow.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa intaas ku daray in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Hotel Guuleed.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay ururka Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad oo noociisa ah oo Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho isla maanta gudahiisa. Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xaafadda Qoob-dooro ee degmadda Kaaraan ee Muqdisho.

Weeraradaas oo loo adeegsaday miino ayaa lala beegsaday gaari ka shaqeynayey wacyi-gelinta safmareenka Coronavirus. Qofka dhintay wuxuu ahaa darawalka, halka saddexda dhaawacantay ay ahaayeen askartii ilaalineysay.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey xeradda Xalane gaar ahaan nawaaxiga garoonka Aadan Cadde. Hoobiyeyaasha waxay ku hab-sadeen qol dadka ay adeega ku sugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM