Mas'uul kasoo shaqeeyay Soomaaliya oo la dalacsiiyey

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Siddharth Chatterjee oo u dhashay Hindiya wuxuu u u magacaabay Isu-duwahiisa arrimaha degaanka ee u qaabilsan waddanka Shiinaha.

Stephane Dujarric, afhayeenka Guterres oo xusay in China aqbalay magacaabida, ayaa sheegay in Chatterjee uu shaqo geli doono Janaayo, 2021-ka.

"Waanu u hambalyeyneynaa saaxiibkeena," ayuu Dujarric raaciyey. "Waxaan u rajeyn doonaa in uu ku guuleysto waajibaadka culus ee loo idmaday".

Waajibaadka Chatterjee ayaa ah in uu dowladda Shiinaha ka caawiyo sidii ay uga soo kaban lahayd saameynta kasoo gartay safmareenka Covid-19.

Chatterjee oo in ka badan 25 ka shaqeynayey iskaashiga caalamiga ah, horumarinta, isku-xirka howlaha bini'aadanimada, nabada iyo xasiloonida ayaa UN-ka wuxuu kasoo qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka dhalaanka ee UNICEF ayuu xilal kasoo qabtay gaar ahaan xafiisyadeeda wadamadda kala ah; Indonesia, Soomaaliya, Suudaante Koonfureed, Suudaan si lamid ah Bosnia.

Isu-duwaha arrimaha degaanka ee Qaramada Midoobay ee Kenya ayuu soo noqdey. Wakiilka UNDP iyo UNFPA ee Kenya ayuu soo qabtey. Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Ciraaq [UNAMI] ayuu sidoo kale noqdey.

Sikastaba, Chatterjee ayaa shahaadada master wuxuu ka qaatay Jaaamcadda Princeton ee Mareykanka isaga oo bartey Public Policy, halka uu bachelor-ka ka diyaariyey National Defence Academy ee gudaha dalkiisa Hindiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM