Mas'uul sare oo isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay wadada 30-ka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helayo illo kala duwan, qaraxan ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ayaa lala eegtay gaari uu la socday gudoomiyaha degmadaas, Maxamed Cabdullaahi Cariif.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxay ka dhasheen falkaan lagu tuhmayo in Al-Shabaab ay geysatay.

"Dadka ugu badan ee waxyeeladdu soo gaartay waa ilaalada gudoomiyaha iyo dad shacab ah oo wadada marayey," ayuu Garowe Online u sheegay sarkaal sababo ku aadan in aan loo goleyn in uu saxaafada la hadlo u qariyay magaciisa.

Gudoomiye Cariif oo aan wali ka hadlin weerarkaan ayaa ka badbaadey weerarkaas jid galka ah oo u muuqda mid la doonayey in lagu khaarijiyo.

Xilli hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay tahay mid sii xoogeysaneysa, Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay u muuqataa mid ka faa'iideysaneysa mashquulka badan ee ka jira dhanka siyaasada dalka.

Falanqeeyeyaasha ayaa cod dheer waxay kaga digeen in maleyshiyada ay sii-laba-jibaari karto weerarada ay ka fuliso magaalooyinka waaweyn hadii hay'ada ku shaqada leh aysan xil gaar ah iska saarin ka hortaga iyo sugida ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM