Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo la weeraray

Image

14 September, 2015(GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Baay ayaa lagu weeraray qaraxyo isku xigey oo ka dhacay deegaanka Goof guduud oo 7 km u jirta magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Rashiid Cabdullaahi Maxamed guddoomiyaha gobolka Bay oo la hadlay BBC ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday miinooyin.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare aan la caddayn inta uu le'egyahay.

Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa xusay inaysan aqoon cidda ka dambaysay arrintan, balse la wado baaritaanno ku aaddan cidda fulisay.

Mas'uuliyiintan ayaa deegaankaasi u tagay sidii maamul loogu sameyn lahaa dadka deegaanka, hase ahaatee intay jidka ku sii jireen ayaa lagu weerar qarax dhulka lagu aasey, wax yar ka dib markii ay tageen Goof gaduud waxaa dhacay labo qarax xilli ay la hadlayeen boqolaal dad isugu soo baxay goob loogu khudbaynayay.

Ma aha markii ugu horreysay ee la weeraro mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM