Masar iyo Midowga Afrika oo ka shiray xaalada Soomaaliya

Image

QAAHIRA, Masar – Dowladda Masar iyo ururka Midowga Afrika ayaa waxay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sidda uu daabacay warsidaha maxaliga ah ee Ahram Online oo fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Sameh Shoukry, iyo guddoomiyaha AU-da, Moussa Faki, ayaa shalay wadahalado waxay ku yeesheen caasimada Egypt.

Sidda ku xusan warbixinta, labadda mas'uul ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa haatan isu diyaarineysa doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda oo is-mari-waa xoogan uu ka taagan yahay sidii ay u noqon lahayd mid daahfuran, waxaana socda dedaalo xal loogu raadinayo muranka.

Muqdisho iyo Qaahira ayaa xiriirkooda wuxuu sanadihii lasoo dhaafay ahaa mid hooseeya tan iyo markii Soomaaliya ay diidey in ay xulafada Sacuudiga kula biirto go'doominta haatan la qaadey oo ay saareen dowladda Qadar.

Dowladda mudo xileedkeeda sii dhacayo ee Farmaajo hogaamiyo ayaa xiriir dhow la leh Qadar oo la aaminsan yahay in ay ku taageertay ololihii doorashadda 2017-kii kana shaqeyneysa in uu soo laabto coddeynta soo aadan 2020-21.

Dhanka kale, Shoukry iyo Faki ayaa isla soo qaadey xalinta khilaafka ka taagan biyo-xireenka webiga Nile kaasoo u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya. Labada mas'uul waxay hoosta kawada xariiqeen baahida loo qabo wada-ogol degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM