Masar iyo Soomaaliya shir yeelanaya xili DF bedeshay mowqifkeedii Itoobiya

Image

QAAHIRA - Masar ayaa wadahadalo la yeelan doonta madaxa Soomaaliya toddobaadka soo socda si ay ugala hadlaan ka qaybgalka ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM xilixiisad wali ka jirto Gobolka Geeska Afrika.

Wada-hadallada ayaa 10-ka ilaa 12-ka January ka dhacaya Qaahira, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Balcad.

Bishii hore, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidamo u diri doono Soomaaliya oo ka billowday howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika kadib codsi uga yimid Soomaaliya.

Wadahadalka ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ka laabatey go'aankii ay ciidamada Itoobiya uga saartay howlgalka AUSSOM. Isbadalkan ayaa qaboojinaya xiisada u dhaxeysa labada dal ee dariska ah kadib dhex dhexaadin uu ka sameeyay Turkiga.

Weli ma cadda inta ay le'eg tahay ciidamada Itoobiya ee loo ogolaan doono dalka inay sii joogaan, ayuu yiri Cali Balcad. Dowladda Soomaaliya ayaa dhexda ka gashay Itoobiya iyo Masar oo mudo 13 sano khilaaf u dhaxeeyo.

Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka askarta ugu badan ka jooga, kuwaasoo ka taageeraya dowladda Soomaaliya dagaalka Al-Shabaab. Masar iyo Itoobiya loolankooda webiga Niil ayaa laga digay inuu dagaal horseedo, kaasoo labada dal ku dhexmari kara gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM