Masar oo abaabuleysa qorshe ka dhan ah saameynta Turkiga ee Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Carbeed ee Masar ayaa waxay isku dabarideysaa isbaheysi saddex geesood ah si ay uga hortagto saameynta sii balaaraneysa ee Turkiga ku yeelanayo Soomaaliya, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga.

Isbaheysigaas saddex geesoodka ah, sidda ay tabisay warbaahinta, waxaa xukuumadda Qaahira ku wehliya dalalka Yahuuda iyo Suudaan.

Jariiradda Yeni Safak ee kasoo baxda Turkiga isla markaana aad ugu dhow maamulka Recep Tayib Erdogan ayaa daaha ka qaadey in mas'uuliyiinta ammaanka wadamadan ay ka shirayaan fulinta qorshahaan.

Warbixinta majaladda oo la faafiyey 14-kii November ee sanadkan 2020-ka ayaa waxaa lagu caddeyin goorta iyo goobta uu qabsoomayo shirkaas.

Wargeyska ayaa intaas ku dartey in madaxda shirkaas ka qeybgaleysa ay kamid yihiin mas'uuliyiin ka socota Hay’adda Sirdoonka Masar, wasiir ku xigeenka difaaca Masar iyo Taliyaha Ciidanka Masar ee gobolka Koonfureed.

Sidda ku cad warbixinta, dhinacyadan ayaa si gaar ah diyaaradda u saaraya in ay hoos u dhigaan saameynta dhanka ciidamadda, dhaqaalaha siyaasadda iyo maamulka dhanka biyaha si gaar ah siyaasadda khuseysa badda cas.

Loolankan ayaa qeyb ka ah xilfaatanka juquraafi-siyaasadeed ee wadamadda Islaamka iyo kuwa reer Galbeedka bilooyinkii dambe ka dhaxeeyay.

Bishaan November 16-keeda, Hatem Bashat, oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Masar iyo Guddiga u qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa sheegay in ay si dhow socdaa "ficilada foosha xun" ee Turkiga kawad Soomaaliya.

Isaga oo wariyeyaasha la hadlayey, Bashat ayaa hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay ka hortageyso heshiisyadda iyo isbaheysiga liddiga ku ah Carabta.

Turkiga oo maalgashi culus ku sameystay Soomaaliya tan iyo 2011-kii ayaa 7-dii bishaan November wuxuu sheegay in uu 2.4 milyan Doolar kaga qeyb-qaadanayo dedaaladda deynta looga cafinayo dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM