Masar oo balan-qaadey in labo arrimood ay ka taageeraysa Soomaaliya

Image

Muqdisho, Sebt 21, 2025 – Dowladda Masar ayaa markale muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso dadaallada Soomaaliya ugu jirto sugidda amniga iyo xasilloonida, iyada oo xaqiijisay qorsheyaasha ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya toddobaadyada soo socda, si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Bayaanka Sabtidii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu amaanay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta sharciga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday in Masar ay door muuqda ka ciyaari doonto howlgalka AUSSOM, kaasoo u xilsaaran sidii loo abuuri lahaa xaalado suurtagelinaya in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto amniga dalkooda.

“Dadaalladan waxa ay ujeedadoodu tahay in la gaaro rajooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ah mustaqbal xasilloon, iyo in la dhiso deegaan u oggolaanaya horumarka iyo kobaca ay ku hamiyeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xiriirka Istiraatiijiga ah

Ku dhawaaqistan waxay imaaneysaa kaddib markii xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer iskaashi istiraatiiji ah intii uu socday booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii Janaayo 2025 ku tagay magaalada Qaahira.

Masar waxay markale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in la horumariyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan si labada dal uga faa’iideystaan fursadaha wadajirka ah.

Ciidamada Masar oo Soomaaliya Immanaya

Horraantii bishan, wafdi milatari oo Masar ah oo ka koobnaa 16 xubnood, ayna hoggaaminayeen Sarreeye Guuto Islam Radwan, ayaa booqday Soomaaliya. Wafdigaas ayaa kormeeray deegaano ka tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo la filayo in ciidamada Masar lagu daadgureeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Talaadadii sheegay in Muqdisho ay diyaar u tahay soo dhoweynta cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada Masar, kuwaas oo si rasmi ah uga howlgalaya Soomaaliya iyagoo hoos taga mandiqadda Midowga Afrika ee AUSSOM.

Iskaashi Hore

Bishii Agoosto 2024, Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi dhanka milatariga ah, waxaana bishii xigtay Masar ay u dirtay Soomaaliya gargaar milatari si loo xoojiyo awoodda iyo tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masar ayaa hadda kamid noqonaysa dalalka xubnaha ka ah AUSSOM, iyadoo la filayo in joogitaankeeda uu sii xoojiyo dadaallada socda ee lagu sugayo amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM