Masar oo deeq siinaysa Somalia

Image

27 August, 2015 (GO)- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee DFS Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la'aan ah, halka ay u tababari doonaan 40 macalin.

Khadra oo maanta ayaa hadalkan ka sheegtey warbixin ay ka jeedinaysan shirka golaha Wasiirada Somalia oo ay kaga hadlaysay safar ay ku tagtay dalka Masar.

Masar ayaa sidoo kale ballan qaadey inay dayactir ku sameyn doonaan Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame,waxayna sheegeen in ardada Soomaaliyeed si lacag la'aan ah wax ugu bari doonaan.

DFS waxaa inta badan waxaa soo gaara deeqo lagu soo qaado magaca Somalia, balse maamullada dalka ayaa ku cel-celiya inaysan soo gaarin wax deeq ah oo lagu helay magaca Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM