Masar oo kala hadashay arrimaha gobolka iyo Mareykanka iyo Soomaaliya

Image

QAAHIRA - Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badar Abdelatty ayaa dhamaadkii todobaadka si gaar ah khadka taleefoonka kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ay ka wadahadleen horumarka gobolka iyo iskaashiga labada dal.

Abdelatty wuxuu la hadlay Blinken 4-tii January, isagoo diiradda saaray xaaladda Gaza iyo dhibaatada ka socota Suuriya. Abdelatty waxa uu carabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay xabbad joojin degdeg ah oo dhammaystiran oo ka dhacda Gaza, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dadaallada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee wadajirka ah loo baahan yahay si loo xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo ee aan is-hortaagnayn.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyay ficilada Israel ee ku wajahan dadka reer Falastiin, gaar ahaan beegsiga kaabayaasha caafimaadka iyo isbitaallada, taas oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi'da bini'aadantinimada.

Wada-hadallada ku saabsan Suuriya ayaa salka ku haya taageerada Masar ee dadka Suuriya iyo aragtideeda ah in geeddi-socodka kala-guurka siyaasadeed uu noqdo mid heer qaran ah, loo wada dhan yahay oo ka madaxbannaan saamaynta dibadda. Abdelatty waxa uu carabka ku adkeeyay in ujeedadu ay tahay in la hormariyo amniga iyo xasiloonida iyo in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.

Xoghaye Blinken ayaa muujiyay sida uu Maraykanku uga mahadcelinayo doorka Masar ee kobcinta xasiloonida gobolka iyo amniga.

Maalintii xigtay, Janaayo 5teedii, Abdelatty wuxuu la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fiqi. Wadahadalka ayaa daba socday booqashadii Fiqi ee Qaahira December 23, 2024.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal. Abdelatty wuxuu ku celiyay taageerada Masar ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in tani ay sii kordhin doonto amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM