Mashruuca Qaybinta Timir Gargaar ah oo Si Hab-sami Leh Uga Socda Duleedka Muqdisho, Gobolka Banaadir [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo qayb ka ah mashruuca qaybinta 700 tan oo timir ah ee uu maalgeliyey Xarunta Boqor Salmaan ee Gurmadka iyo Shaqada Aadanaha, isla markaana ay fulineyso Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada, ayaa maanta si rasmi ah looga sii waday qaybinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Qaybinta maanta waxa ay gaartay xaafadda Kaxda iyo dhowr goobood oo kale oo ku yaalla magaalada.

Mashruucan waxaa si toos ah u fulinaya Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada, waxaana qeybinta maanta lagu gaarsiiyay bulshada u nugul in ka badan 9,000 kartoon oo timir ah. Qiyaastii 6,000 kartoon ayaa loo qoondeeyay qoysaska nugul ee xaafadda Kaxda, halka 3,000 kartoon lagu wareejiyay xarumaha agoonta ee ku yaalla magaalada, taasoo muujinaysa mudnaanta la siiyay dadka nugul iyo kuwa u baahan taageero degdeg ah.

Qaybintan waxa ay qayb ka tahay dadaallada bini’aadantinimo ee socda ee mashruucu ku doonayo in lagu yareeyo dhibaatooyinka haysta qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa dhibaateysan. Guud ahaan, mashruucu waxa uu hiigsanayaa in uu taageero 87,500 qoys, iyadoo ka faa’iideysan doonaan in ka badan 525,000 qof oo ku kala nool gobollo kala duwan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u jeedisay Xarunta Boqor Salmaan ee Gurmadka iyo Shaqada Aadanaha, iyadoo sidoo kale ammaan u jeedisay hay’adaha dowliga ah iyo Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) kaalintooda ku aaddan fududeynta iyo hagidda hawsha qaybinta si caddaalad iyo hufnaan leh.

Mashruucan ayaa mar kale muujinaya qoto-dheeraanta xiriirka walaaltinimo iyo bini’aadantinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, isaga oo ka tarjumaya ballanqaadka labada dal ee ku aaddan taageeridda xasilloonida iyo horumarinta bini’aadantinimada Soomaaliya.

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM