Masiirka Danab oo mugdi wajahayo xilli Mareykanka baxayo ciidankiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqdey in ciidamadda Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya ay u wareejin doonto saldhigyo ku yaala dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo cirka iyo dhulka kala dagaala Al-Shabaab ayaa tiradoodu dhan-tahay 700 askari. Sidoo kale, waxay tababaro siiyaan ciidamadda Soomaalida gaar ahaan guutada Danab.

Tani ayaa la macno ah in uu madmadow soo wajahay masiirka ciidamadan uu gacanta ku hayey Mareykanka. Lama ogga hadii ay u sii raaci doonan dalalkaas ama ay ku maalgelin doonan gudaha waddanka Hooyo.

Inkasta oo ay ka dhawaajisay in howlgaladooda ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay sii socon doonan, wasaaradda difaaca Mareykanka kama jawaabin su'aalaha ku geedan askarta Danab.

Balse madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka falcelin go'aanka Jimacada kasoo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa bishii hore wuxuu walaac ka muujiyey qorshaha Donald Trump ku saarayo askarta Ameerikaanka ah.

Korneyl Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo taliyaha ciidamadda Danab ahaa mudadii u dhaxeysay 2016 illaa 2019, ayaa rajeeyay in Mareykanka sii wadi doonan taageeradiisa gutadan fulisa howlgaladda ugu khatarta badan.

"Howlgalada iyo duqeymaha waa laga soo qaadi karaa Jabuuti iyo Kenya, balse ma noqon karaan sidii ay ku ahaayeen dalka gudahiisa," ayuu u sheegay New York Times. "Ma u bixin kartid tababaradda sidda ugu haboon".

Taageeradda Washington ee kumaandooska Danab ayuu ku qeexay "lataln iyo caawimaad lama huraan u ah dhismaha ciidamadda Soomaaliya".

Askarta Danab oo la aas-aasay 2013-kii ayaa tiradoodu gaareysaa 1,000, waxaaa ay inta badan ku wehliyaan dhigooda Ameerikaanka ah howlgaladda ka dhanka ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee ka dhaca goboladda wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM