Masiirka Danab oo mugdi wajahayo xilli Mareykanka baxayo ciidankiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqdey in ciidamadda Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya ay u wareejin doonto saldhigyo ku yaala dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo cirka iyo dhulka kala dagaala Al-Shabaab ayaa tiradoodu dhan-tahay 700 askari. Sidoo kale, waxay tababaro siiyaan ciidamadda Soomaalida gaar ahaan guutada Danab.

Tani ayaa la macno ah in uu madmadow soo wajahay masiirka ciidamadan uu gacanta ku hayey Mareykanka. Lama ogga hadii ay u sii raaci doonan dalalkaas ama ay ku maalgelin doonan gudaha waddanka Hooyo.

Inkasta oo ay ka dhawaajisay in howlgaladooda ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay sii socon doonan, wasaaradda difaaca Mareykanka kama jawaabin su'aalaha ku geedan askarta Danab.

Balse madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka falcelin go'aanka Jimacada kasoo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa bishii hore wuxuu walaac ka muujiyey qorshaha Donald Trump ku saarayo askarta Ameerikaanka ah.

Korneyl Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo taliyaha ciidamadda Danab ahaa mudadii u dhaxeysay 2016 illaa 2019, ayaa rajeeyay in Mareykanka sii wadi doonan taageeradiisa gutadan fulisa howlgaladda ugu khatarta badan.

"Howlgalada iyo duqeymaha waa laga soo qaadi karaa Jabuuti iyo Kenya, balse ma noqon karaan sidii ay ku ahaayeen dalka gudahiisa," ayuu u sheegay New York Times. "Ma u bixin kartid tababaradda sidda ugu haboon".

Taageeradda Washington ee kumaandooska Danab ayuu ku qeexay "lataln iyo caawimaad lama huraan u ah dhismaha ciidamadda Soomaaliya".

Askarta Danab oo la aas-aasay 2013-kii ayaa tiradoodu gaareysaa 1,000, waxaaa ay inta badan ku wehliyaan dhigooda Ameerikaanka ah howlgaladda ka dhanka ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee ka dhaca goboladda wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM