Mas'uul ka sheekeeyay qaabka loosoo diray diyaaradii African Express

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Todobaadkan ayaa waxaa qorshuhu yahay in uu bilowdo baaritaan saddex geesood ah oo Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku sameynayaan shilkii diyaaradeed ee magaaladda Berdaale.

Iyagoo kaashanaya sanduuqa madow iyo kan codka duuba, qodobadda la filayo in ay jawaabaha u helaan waxaa kamid ah sidda loosoo diray diyaaradda, wallow ay qirteen Ciidamadda Itoobiya ay toogteen.

Baareyaasha ayaa la rajeynayaa in ay soo saaraan warbixin dhameystiran, taas oo lagu waramay in ay kusoo bixi doono muddo 48 berri ah

Kahor warbixinta baaritaanka, mas'uul goobjoog ahaa garoonka diyaaradaha xilliga uu shilku dhacayey ayaa ka sheekeeyay waxa uu arkay, sidda uu jawigu ahaa waqtigaas iyo qaabka ay wax u dhaceen.

Weedow Cali Xasan, gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshadda Berdaale horeyna u soo noqdey gudoomiyaha degmadaas ka tirsan gobolka Baay, ayaa kusoo bandhigay xaqiiqooyinkan wareysi uu siiyey VOA.

Sidda uu xusay Weedow, gaari nooca dagaalka ah oo uu saaran yahay qoriga Zuuga ayna leeyihiin ciidanka ayaa taagnaa dhabaha ay diyaarada ku degto, taas oo cagadhigashada dib u dhigtay daqiiqado.

"Aniga waxaan is-dhahay armay isku dhacaan diyaaradda iyo gaariga. Kadib diyaaradda kor ayay u kacday, waxaan kadib maqlay rasaas. Afar kamid ah waxay ku dhacday diyaaradda, midna way garab martay," ayuu raaciyey, isagoo carabka ku adkeeyay in rasaasta laga gannay gaariga.

Gudoomiyaha oo sii hadlaya ayaa meesha ka saarey in diyaaradda ay halis ku noqon kartay gaariga "maadaama ay horey dhowr jeer u timid magaaladda loona soo sheegay maamulka degmadda".

"Balse, ma hubbo hadii lagu soo wargeliyey ciidamadda Itoobiya," ayuu ku jawaabay markii wax laga waydiiyey arrintaas.

Warar ayaa waxay sheegayaan in dameer uu soo galay dhabaha garoonka, isla markaana ay duuliyaha diyaaradda ku qasabtay in uu aado dhanka ciidamadda Itoobiya. Balse, Weedow ma arkin wax dameer ah.

Dhowr illo wareed ayaa u sheegay laanta Af Soomaaliga ee idaacadda VOA-da in askariga ridday diyaaradda uu ka tirsan yahay ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Askarigaas, sidda ay xogta muujineyso, wuxuu dalka soo galay ku dhowaad 20 maalmood kahor dhacdadaas, kadib safar dhulka ah.

"Berdaale waa magaaladda saddexaad oo ay joogaan ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka AMISOM. Buur Hakaba iyo Bardheere ayaa wehliya. Askarta Itoobiya ee dalka joogta waxay ka yihiin 75%," ayay VAO tiri.

Xukuumaddaha Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa ku adkeystay in ciidamadaas ay ku joogaan waddanka heshiisyo aan la fahfaahin oo dhexmaray.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Addis Ababa ayaa lagu waramay in ay kawada hadleen dhacdadaas galaaftay nolosha lix ruux oo ay ku jiraan laba duuliye. Waxay isku raaceen in ay ka war sugayaan baaritaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM