Mas'uul ka tirsanaa maamulka HirShabelle oo toogasho lagu dilay

Image

JOWHAR, HirShabelle - Xaashi Cabdi Warsame, wasiiru dowlihii Wasaarada Diinta iyo Awqaafta dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa lagu waramay in caawa ay dabley ku dishay caasimada Jowhar xilli uu kasoo baxayey Masjid.

Marxuumka oo lasoo wariyey in uu ku geeriyooday isla goobta lagu bartilmaameedsaday ayaa wuxuu sidoo kale kamid ahaa mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgalo ay ku ugaarsanayaan shaqsiyadii ka dambeeyay falkaan oo isaga cararay meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan imaan ciidamadda.

Ma jiro koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan khaarijinta ah. Balse, degaanada maamulkan waxaa ku xoogan oo howlgalo culus ka fuliya maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Bishii August 17-keeda isla sanadkan 2020 ayay ahayd markii wasiirkii Beeraha HirShabelle, Cabduqaadir Abuukar Maxamuud, ay dileen kooxo hubeysan kuwaasoo lala xiriiriyey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Maxamuud oo maalintii xigtay la aasay ayaa la beegsaday afar maalmood kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu jagadaas u magacaabay, isagoo bedelay Cali Xaaji Cabdulle Isgoowse.

Amni xumo darteeda, mas'uuliyiinta HirShabelle ayaa isugu jira qaar ku baxay gacanta Al-Shabaab, kuwa u cararay Muqdisho iyo tiro kale oo isu dhiibtay argagixisadda Al-Shabaab markii la cabsi-geliyey.

Bishii September, 2019, Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Xasan Cumar Axmed, agaasimihii hore ee Madaxtooyada HirShabelle maalmo kadib markii la eryay. Muuqaal laga soo duubay ayuu daaha kaga rogay in uu siyaasada ka baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM