​Mas'uul ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Buurhakabo

Image

BUURHAKABO, Somalia- Mas'uul sare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay Qarax maanta oo sabti ah ka dhacay gudaha degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay nawaaxiga Guriga gudoomiyaha degmada Buurhakabo Maxamed Cabdi Maxamed.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in gudoomiyaha Buurhakabo ku dhaawacmay Qaraxa, kadibna loo qaadey Isbitaal ku yaalla magaalada Baydhobo.

Askar katirsan Ilaalada mas'uulka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerarkaasi.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa degmada Buurhakabo, balse Ururka Al shabaab ayaa inta badan weerarada noocan ah ka fuliya dalka Soomaaliya.

Dhinaca maamulka gobolka Baay kama aysan hadlin weerar lagu qaaday mas'uulkii degmadaasi.

Buurhakabo ayaa muddo ka nabad ahayd weerarada Kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM