Mas'uul lagu khaarijiyey xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho xalay ka dhacday xaafada Siigaala, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dilka ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan Bastoolado.

Gacan ku dhiigleyaasha oo meesha ay fal-dambiyeedka ku geysteen ka cararay ayaa beegsaday Liibaan Qiyaamo

Marxuumka ayaa la tilmaamay in uu gudoomiye ka ahaa mid kamid ah laamaha degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

"Dilka wuxuu dhacay markii laga soo baxay Salaadda Maqrib. Meydka marxuumka waxaa loo qaadey xarunta CID-da," ayuu raaciyey.

Ciidamadda dowladda oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaanan la sheegin hadii ay dad u soo qabqabteen falkaan.

Goobta lagu toogtay Qiyaamo waxaa horey loogu naf-gooyey gudoomiyeyaal iyo mas'uuliyiin sarre. Al-Shabaab ayaana sheegatay mas'uuliyadda.

Cabdullaahi Xasan Canshuur, kaaliyihii maxkamada gobolka Banaadir iyo Maxamed Cabdiraxmaan, xeer-ilaaliye ku xigeenka qaranka, ayaa kamid ah.

Khaarijinta xubnahaan oo dhacay sanadkii hore 2019 waxaa loosoo qabtay dad uu kamid yahay Ilkacase oo qirtay in uu isagu gacantiisa ku toogtay labadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM