Mas'uul sare oo isku day dil kaga badbaadey magaaladda Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha degmada Yaqshid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey, ayaa ka badbaadey qarax lagula eegtay nawaaxiga garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow.

Haweenay shacab ah iyo darawal mooto Bajaaj ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weysay qaraxaas oo warar horudhac ah ku tilmaamayaan Miino.

Geesey iyo mas'uuliyiin kale oo wehlisay ayaa qorsheynayey in ay ka qeybgalaan ciyaar kubadda cagta oo maanta ka dhaceysa qalcadda.

Saraakiisha ammaanka ayaa falkaan ku eedeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay sarre u qaadey weeraradda.

Tan iyo bilowgii bishaan August, caasimadda waxaa ka dhacay afar weeraro oo culus, kuwaasoo saddex kamid ah ay ahaayeen qarax, waxaana wadartooda ku dhintay ka badan 60 u badan shacab.

Falanqeeyeyaasha ammaanka ayaa aaminsan in amniga uu faraha kasii baxayo isla markaana madaxda ku mashquushay siyaasadda iyo sidii ay xukunka ugu soo laaban lahaayeen maadama ka dhacayo.

Dowladda oo iska difaacdey dhaliishaas ayaa sheegeysa in laga badbadinayo sheegashooyinka la xiriira weeraradii u dambeeyay ee ka dhaca caasimada, ayna ku dadaaleyso sidii ay u sugi lahayd.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa xoojiya howlgaladooda marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka dowlad walba, iyaga oo isku dayey in ay ka faa'iideystaan jahwareerka siyaasadda ee yimaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM