Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan DF oo loo xukumay musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa mar kale waxay maanta oo Khamiis ah ay xukuno ku ridday mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo madaxda shirkado gaar loo leeyahay.

Xukumaneyaasha oo kiisaskooda laga yeeshay min afar fadhi ayaa waxaa lagu waramay in lagu helay dacwadaha musuqmaasuq, xatooyo xoolo dadweyne iyo ka faa'iideysiga xafiis dowladeed.

Guuleed Maxamed Ibraahim, agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, ayaa 10-sano loogu xukumay in uu Qasnabadiisa ku shubtay hanti dadweyne.

Ibraahim, 32- jir lagu eedeeyay in uu akoonkiisa ku shubtay aduun dhan $202,000, ayaa la sheegay in uu difaaci waayey qaabka ay ku baxdey lacag dhan $105, 907, lunsadeyna lacag dhan 32-kun oo Doolar.

Garsooraha ayaa sheegay in lacagta uu is-dabariyey uu Wasaarada Caafimaadka kaga qaatay kireynta baabuurkiisa qaaska ah iyo adeeg aan jirin. Ganaax dhan ah $2,366 ayaa sidoo kale garka loo geliyey.

Agaasime Guuleed oo lagu xukumay in uu bixiyo "lacagta uu lunsaday oo dhan $137, 907" ayaa laga mamnuucay xafiis dadweyne.

Cali Sheekh Doon, xukunsanaha labaad oo ah 46-jir ahna Maamulaha Maamuus General Contracting and Services iyo Madaxa Hubinta ee xafiiska xisaabiyaha Dowladda Federaalka, ayaa lagu xukumay 9-sano.

Mr Doon oo lagu helay ku daneysi xafiis dadweyne ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday $58, 505, lacagaas oo lagu amray in uu qansada dowladda ku celiyo isla markaana bixiyo ganaax lacageed oo dhan $3,549.

Mas'uulkaan oo lagala noqdey damaanad uu dibadda ku joogay ayay xeerbeegtadu ka reebtay in uu ka shaqeeyo xafiis dadweyne.

Aweys Xasan Cumar, 62-jir ka tirsanaa Waaxda Xisaabaadka Wasaarada Warfaafinta, ayaa hal sano iyo ganaax dhan $1,183 waxaa loogu xukumay ku daneysi xafiis dowladeed iyo wax is-dabamarin.

Khadar Aweys Xasan, 26-jir ahna Maamulaha Al Xabiibi Businesses Center, ayaa saddex sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $1,183 loogu xukumay ku daneysi xafiis dowladeed. Dhinacyada waxaa u furan rafcaan.

Saddex maalmood kahor ayay ahayd markii isla maxkamadan ay xukuntay mas'uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka, kuwaasoo lagu helay in ay lunsadeen dhaqaale loogu talogalay xakameynta Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM