Mas'uuliyiinta DF iyo Somaliland uga qeybgaleysa shirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabsoomida shir-madaxeedka madaxda u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka soconeysa caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa soo qaban-qaabiyey wadahadalka. Mareykanka wuxuu ka yahay korjoogto. Ka qeybgaleyaasha waxaa kamid ah; wakiiladda saaxiibadda caalamka.

Mas'uuliyiinta xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ka socda ee ka qeybgali doonta kulanka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay;

1- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

2- Afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

3- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah, Xasan Cali Kheyre

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye

5- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, C/rashiid Maxamed Axmed

6- Wasiir ku xigeenka Dastuurka, Xuseen Cabdi Cilmi

7- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim

8- Xeer ilaaliyaha guud, Suleymaan Maxamed Maxamuud

9- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka, Maxamed Daahir Faarax

Lama soo bandhigin ajendaha kulanka oo noqonaya midkii labaad oo dhexmara madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Wada-xaajoodkii koowaad ayaa ka dhacay xafiiska Abiy Axmed, bishii Febraayo ee sanadkan 2020. Kulankaas oo socday 40 daqiiqo, waxaa "leysku raacay in dib loo bilaabo wadahadalka".

Dhanka kale, wafdiga ka imaanaya dhanka maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa waxaa la xaqiijiyey in ay ka kooban yihiin mas'uuliyiinta kala ah;

1 – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

2 – Afhayeenka baarlamaanka, Saleebaan Maxamuud Aadan

3 – Yaasiin Maxamuud Faratoon, wasiirka arrimaha dibadda

4 – Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda

5 – Wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Xaaji Sajiin

6 – Saciid Sulub, wasiirka beeraha

7 – Adna Aadan, ergayga Somaliland ee wadahadalada Soomaaliya.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in waqtiga ka imaanaya dhanka Itoobiya uusan kamid ahayn Cabdixakiim Camey, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Wadahadalada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana dowladda Farmaajo lagu dhaliilay in aysan xilli horey bilaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM