Mas'uuliyiinta Muqdisho oo ku tuntay habraaca ka hortagga Covid-19

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta sar-sarre ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shaashadaha kasoo muuqday iyagoo si bareer ah ugu tumanaya habraaca ka hortagga fayruska safmarka ah ee Corona.

Xadgudubkaan ayaa ka dhacay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiye ku xigeenada Maaliyada iyo Howlaha Guud, oo uu goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada.

Saraakiisha ayaa sawirro iyo muuqaalo laga qabtay iyagoo gacan-qaad sameynaya. Si lamid, ma aysan u hogaan-samin talada culimadda caafimaadka eek ala fogaanshiyaha marka ay dadku kulmayaan.

Wallow ay wateen Maaskaro, mas'uuliyiinta falkaan ku kacay ayaa waxaa hor-kacaya; Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Axmed Xasan Iimaan, gudoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka iyo Ibraahim Mahad-Alle, gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka ayaa sidoo kale qayb ka ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u mamnuucay kulamadda dadweynaha iyo xitaa kuwa madaxda ay yeeshaan.

Madaxda ugu sareysa ee dalka, hogaanka xisbiyadda iyo maamuladda ayaa kulamadooda muhiimka ah ku yeelanayey qaabka fogaan araga ah tan iyo markii uu dilaacay caabuqaan, bishi December, sanadkii 2019.

Soomaaliya waxaa laga xaqiijiyey 528 kiis oo ah Covid-19; si lamid ah 28 dhimasho ah iyo 18 kale oo ka caafimaadey. Magaala madaxda Muqdisho waa meesha laga soo wariyey xaaladaha ugu badan ee caabuqa halista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM