Maxaa ka dhacay Aadan Yabaal, sidee u badbaadeen Odowaa iyo Shuute?

Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Roob xooggan ayaa ka da’ay deegaanka Aadan Yabaal maalintii ka horreysay weerarka (April 15), taasoo carqaladeysay kormeerkii cirka ee lagu ogaanayay joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee hareeraha degmada. Kormeerka cirka oo marar hore sababay in la fashiliyo weerarro ay kooxdaasi qorsheynaysay ayaa markan hakad galay sababo la xiriira cimilada.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo aan aad uga fogeyn Aadan Yabaal ay roobka culus iyo aragtida xumayd u adeegsadeen sidii ay si qarsoodi ah ugu soo dhowaadaan magaalada, taasoo u suuragelisay inay si lama filaan ah u weeraraan ciidamada dowladda. Dagaalku wuxuu bilowday wax yar kadib 6:00 subaxnimo 16-ka Abriil, iyadoo weerarka laga soo qaaday saddex jiho – Galharuur, Ceel Muluq, iyo Al-Kawthar.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay adeegsatay ugu yaraan 12 gaari dagaal oo nooca xambaara ciidanka (APCs) ah iyo qoryaha culus ee Ruushka loo yaqaan "Zu" si ay uga gudbaan difaacyadii dowladda.

Waxaa hadda socda qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaanayo khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoo dhaawacyadii la xaqiijiyay durbadiiba loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Shuute, iyo xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, iyo sidoo kale masuuliyiin deegaanka ka tirsan oo xilliga weerarka ku sugnaa Aadan Yabaal, dhammaantood waa badqab.

Xogta ayaa sheegaysa in Odowaa iyo Shuute ka baxeen degmada markii uu billowday weerarka, iyadoo la sheegay in horeyna u hayeen macluumaadka in AS kusoo wajahan tahay.

Iyadoo Al-Shabaab ay isku dayeyso inay ballaariso oo ay xoojiso joogitaankeeda bartamaha Soomaaliya, khubaro ciidan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin adag – sida in si ku-meel-gaar ah looga laabto qaar ka mid ah fariisimaha hore si loo yareeyo khasaaraha, ciidamadu isugu yimaadaan meel, dib iskugu abaabulaan, loona weeciyo xoogga meelo kooban. Lama oga weli haddii siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha milatari ay qaadi doonaan go’aannada adag ee lagama maarmaanka u ah badbaadinta xaaladda.


Xogta Harun Maruf

Related Articles

Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Madaxa AUSSOM xilli xiriirka Villa Somalia iyo beesha caalamka liito

Hadalka Wasiirka ayaa dhinaca kale imaanaya xilli hoos u dhac ku yimid….

  • Soomaliya

    18-04-2025

  • 05:34AM

Hormuud Telecom: Horseedka Kobaca Suuqa Dhijitaalka Soomaaliya 

Tan iyo markii la aasaasay 2002, Hormuud Telecom waxay door muhiim ah ka qaadatay dhismaha kaabeyaasha dhijitaalka ah ee dalka.

  • Soomaliya

    17-04-2025

  • 06:20PM