"Maxaa ka horeeya" in la helo metalaadda gobolka Banaadir?
MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah ka doodey metalaada gobolka Banaadir. Xildhibaanada waxay soo bandhigeen oraahyo kala duwan oo quseeya qadiyadan.
Qaar kamid ah mudaneyaasha ayaa taageeray qodobkan oo ay Villa Soomaaliya gedaal ka riixeyso qaybna ka ah ololaha doorashada soo aadan ee madaxweyne Farmaajo, halka xubno kale ay si adag u naqdiyeen.
Sharci-dejiyeyaasha riixaya hindisahaan ayaa daba socda soo jeedin ka timid Guddi baarlamaanka u saarey in ay kasoo talo-bixiyaan arrimo ay qadiyadan kamid tahay, wallow saamileyda ay kasoo horjeesteen.
Warbixinta guddiga ayaa ku talisay in gobolka uu Aqalka Sarre ku yeesho todoba xubnood, hase ahaatee, Xildhibaanadii taageeray waxay codsadeen in la gaarsiiyo 15, iyagoo cuskanaya in gobolka dad badan degan yihiin.
Hase ahaatee, dhaqan-gelinta in gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Senate-ka ayaa u baahan wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka qabyadda ah, taasoo hadii aanan la fulin ka dhigeysa mid baalmarsan shuruucda dalka.
Qodobka 72aad ee dastuurka qabyada ah oo ka hadlaya xubnaha Golaha Senate-ka ayaa xeerinaya in ay tahay 54 Senators; sidda ay qabaan shuruucda caalamka, Senator waxaa kaliya yeelan karo dowlad goboleed.
Xilli Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federaalka oo dhigaya in laba iyo wax ka badan ay ku midoobi karaan maamul goboleed, dastuurka wuxuu xusayaa in tirada Aqalka Sarre lagu saleeyay 18-kii gobol ee 1991-kii.
"Metelaada waxaa ka horeysa maqaamka"
Xildhibaan Xasan Yarre oo kamid ah Golaha Shacabka isla markaana doodii maanta ka qeybgalay ayaa soo jeediyey in kahor inta aan laga hadlin metelaada gobolka Banaadir la caddeeyo maqaamka magaala madaxda.
Qodobka 9aad ee dastuurka ayaa dhigaya "Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana in ay yeelataa maqaam gaar ah, waxaana lagu soo saaraa dhameystirka dastuurka, waxaana qaraar ama go'aan kasoo saaraya labada aqal ee baarlamaanka federaalka".
"Waxaan u maleynayaa in qodobadaas ay iska cad-cad yihiin oo wax banaanka yaala ay yihiin; waxaa marka su'aal in la is waydiiyo u baahan; Muqdisho ma caasimad baa, ma gobol baa ma state baa, intaas markii la qeexo ayaa la aadi karaa meesha kale," ayuu Hon Xasan Yarre raaciyey hadalkiisa.
Sidda laga soo xigtay Xasan, metelaada Golaha Shacabka ayaa lagu saleyn karaan tirada shacabka, halka Aqalka Sarre lagu qiimeeyo dowlad goboleed, taas oo la macno ah in tirada guud ay noqoneyso mid isku mid ah.
"Waxaan qabaa in metelaada ay ka horeyso in maqaamka gobolka meel la saaro; Muqdisho ma caasimad baa, ma dowlad goboleed baa, ma gobol iyo caasimad isku dhex jiraa, ma caasimad gooni ah baa, marka la saaro waxaa soo baxeysa waxay yeelaneyso," ayuu xusay.
Mudanaha oo codsaday in aan la siyaasadeyn metelaada iyo maqaamka gobolka gobolka Banaadir ama Muqdisho ayaa si lamid ah ku baaqay in aan leysku milin siyaasadda iyo sharciga marka laga hadlayo arrintaan.
Dooda la xiriirta metelaada ama maqaamka Muqdisho oo soo jirtay sanadihii lasoo dhaafay ayaa xoogeysta dhamaadka muddo xileedka dowlada, waxayna noqotay arrin ay siyaasiyiinta ku oor kacsadaan "si shacabka u soo jiitaan".
GAROWE ONLINE