Maxaa ka ognahay ilaa hadda weerarkii Vancouver?
26-kii Abriil 2025, magaalada Vancouver ee gobolka British Columbia, Canada, waxaa ka dhacay weerar gaari lagu jiirsiiyey dad shacab ah xilli ay ku guda jireen dabaaldegg lagu magacaabo Lapu Lapu Day. Gaari nooca Audi Q7 madow ah ayaa si toos ah u jiiray dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda, waxaana weerarkaasi uu sababay geerida 11 qof, oo uu ku jiro ilmo 5 sano jir ah, iyo dhaawaca in ka badan 20 qof oo kale.
Ninkii lagu tuhunsanaa weerarka, oo lagu magacaabo Kai-Ji Adam Lo, 30 jir ah oo deganaa Vancouver, ayaa gacanta lagu dhigay isla goobta dhacdada kadib markii dadkii goobta joogay ay qabteen, waxaana si degdeg ah ula wareegay booliska. Waxaa lagu soo oogay siddeed dacwadood oo ah dilka darajada labaad, iyadoo la filayo in dacwooyin dheeraad ah lagu soo kordhiyo maadaama baaritaanku weli socdo.
Hay’adaha ammaanka ayaa meesha ka saaray in weerarkaasi uu la xiriiro fal argagixiso, iyagoo sheegay in sababta ka dambeysay ay tahay xaalado caafimaad maskaxeed oo uu horey ugu soo jiray Kai-Ji Adam Lo. Warbixinno ayaa muujinaya in qoyskiisa ay saacado ka hor weerarka la xiriireen xarumaha caafimaadka si ay uga helaan gargaar maskaxeed, kadib markii ay dareemeen inuu muujinayo haliso ay ka mid yihiin mala-awaal iyo shaki xad dhaaf ah.
Taliyaha ku-meel-gaarka ah ee booliska Vancouver, Steve Rai, ayaa dhacdadan ku tilmaamay “maalinta ugu madow ee taariikhda magaalada Vancouver.” Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, iyo madax kale oo heer caalami ah ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha iyo bulshada reer Vancouver guud ahaan. Waxaa sidoo kale la qabtay xaflad baroordiiq ah oo ay kasoo qeyb galeen dadweynaha, masuuliyiinta iyo madaxda deegaanka, taasoo lagu muujiyey midnimo iyo murugo qaran.
Dabaaldegga Lapu Lapu Day oo lagu maamuuso maalinta dhaqanka Filibiiniga ayaa ah munaasabad muhiim u ah bulshada Vancouver. Kadib musiibadan, maamulka dugsiyada Vancouver ayaa shaaciyey in dhammaan xarumaha waxbarashada iyo xafiisyada calamada hoos loo dhigi doono si loo xuso dhibbanayaasha. Waxaa sidoo kale la furay xarun gargaar oo 24-saac ah oo loogu talagalay in lagu taageero dhibbanayaasha iyo eheladooda.
Bulshada Filibiiniga ee Vancouver oo si weyn u taabtay dhacdadan, ayaa ugu baaqday bulshada iyo hay’adaha dowladda in la muujiyo midnimo iyo daahfurnaan inta lagu jiro baaritaanka socda.
GAROWE ONLINE