Maxaa ka soo baxay kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka?

Image
Kulanka ayaa loogu heshiiyay in la sugo natiijada ka soo baxda doorashada Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo Wadahadalo saacado badan qaatay ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa ku soo dhamaaday guuldarro ka dib markii ay dhinacyada isku mari la' wax ka bedelka dastuurka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Kulanka ayaa loogu heshiiyay in la sugo natiijada ka soo baxda doorashada Puntland ka hor inta aan laga tashan arrimaha dasuutka, si ay dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la balaariyo dhinacyada ku lugta leh go’aan ka gaarista Haykalka dowladnimada, isla markaana aan la daddajin.

Labada dhinac ayaa gunaanadkii kulankaasi ku ballamay in la magacaabo 10 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin dhinaca madaxweynaha iyo shan ka mid ah garabka mucaaradka, si ay wada tashiyo dheeraad ah uga yeeshaan arrimahan muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM