Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo ku kulmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka waddanka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa Khamiista maanta ah waxay ku kulmeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Kulankaas oo daba socday is-fahamkii ay gaareen madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ayaa kusoo dhamaadey fashil ka gedaal markii dhinacyadda isla qaadan waayeen heshiis mideysan.

Mahdi ayaa u soo jeediyey Cabdi Xaashi in uu saddex xubnood ku darsado guddiga soo xulaya wakiilada Somaliland. Hasa ahaatee, Senator-ka wuxuu gabi ahaanba ganafka ku dhuftay arrinkaas.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, Cabdi Xaashi ayaa wuxuu dalbadey in la sameeyo guddi sarre oo ay ku jiraan khuburo kasoo jeeda gobolada waqooyi kuwaas oo xalinaya khilaaf kasta oo yimaada.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa loo xil-saarey in uu u kala dabqaado Xaashi iyo Guuleed.

Qadiyadda xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ah saddex qodob oo sababay in muddo xileedka dowladda haatan jirta uu dhamaado iyadda oo aan is-faham laga gaarin doorashooyinka iyo in uusan dhaqan-gelin heshiiskii 17-kii September dhexmaray dowlada iyo maamulada.

Fashilka uu kusoo dhamaadey kulankii maanta ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa dharbaaxo waxay dib ugu laabaneysaa hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamulada kuwaas oo wadatashi kadib talo mideysan ka yeelan isla markaana la rajeynayaan in ay go’aan ka gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM