Maxaa kasoo baxay shirarkii gaar-gaarka ahaa ee Dhuusamareeb?

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda dowladda federaalka iyo maamulada waddanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay shirar gaar-gaar ah ku yeeshay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kahor kulanka loo-dhan-yahay.

Shirarka gaar-gaarka ah ee ugu muhiimsan wuxuu xalay dhexmaray madaxweyne Farmaajo si lamid ah hogaanka Puntland iyo Jubbaland.

Ra'iisul wasaare Khayre oo bedelay mowqifkiisa qabashada doorasho heshiis lagu wada-yahay ayaa dhankiisa ka waday olole hoose uu taageero ugu raadinayo damaca Villa Soomaaliya.

Inkasta oo shirarkaan gaar-gaarka ah ay horudhac u yihiin kulanka guud, haddana waxaa ujeedka u ahaa in isfaham laga gaaro ajendaha wadatashiga loo dhanyahay iyo tabashooyinka dowlad goboleedyadda qaarkood.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in uusan jirin is-afgarad lagu gaarey shirarkii gaar-gaarka ahaa ee saacadhii u dambeeyay qabsoomay.

Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadda ayaa ku adkeystay ahmiyadda ay leedahay in wadar-ogol laga gaaro ajendaha iyo tabashooyinka kahor inta aysan isku soo horu-fadhiisan kulanka guud ee loo balansan yahay.

Xogta la helayo ayaa waxay intaas ku dareysaa in natiijo la'aanta ay kusoo dhamaadeen wadahadaladii xalay ay dib u dhigtay shirka guud oo lagu wadday in Isniinta maanta ah uu ka furmo xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wali ku taagan mowqifkooda ahaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta 2020-21, arrintaas oo ay naqdiyeen maamulada oo ku baaqay nooc doorasho oo lagu heshiiyey.

Farmaajo ayaa isla Dhuusaamreeb ka bilaabay olole siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, waxaana arrintaas ay su'aal gelineysaa natiijada kasoo bixi doonta shirkan muhiimka u ah xaalada kala guurka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM