Maxaa kasoo baxay shirarkii gaar-gaarka ahaa ee Dhuusamareeb?

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda dowladda federaalka iyo maamulada waddanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay shirar gaar-gaar ah ku yeeshay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kahor kulanka loo-dhan-yahay.

Shirarka gaar-gaarka ah ee ugu muhiimsan wuxuu xalay dhexmaray madaxweyne Farmaajo si lamid ah hogaanka Puntland iyo Jubbaland.

Ra'iisul wasaare Khayre oo bedelay mowqifkiisa qabashada doorasho heshiis lagu wada-yahay ayaa dhankiisa ka waday olole hoose uu taageero ugu raadinayo damaca Villa Soomaaliya.

Inkasta oo shirarkaan gaar-gaarka ah ay horudhac u yihiin kulanka guud, haddana waxaa ujeedka u ahaa in isfaham laga gaaro ajendaha wadatashiga loo dhanyahay iyo tabashooyinka dowlad goboleedyadda qaarkood.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in uusan jirin is-afgarad lagu gaarey shirarkii gaar-gaarka ahaa ee saacadhii u dambeeyay qabsoomay.

Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadda ayaa ku adkeystay ahmiyadda ay leedahay in wadar-ogol laga gaaro ajendaha iyo tabashooyinka kahor inta aysan isku soo horu-fadhiisan kulanka guud ee loo balansan yahay.

Xogta la helayo ayaa waxay intaas ku dareysaa in natiijo la'aanta ay kusoo dhamaadeen wadahadaladii xalay ay dib u dhigtay shirka guud oo lagu wadday in Isniinta maanta ah uu ka furmo xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wali ku taagan mowqifkooda ahaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta 2020-21, arrintaas oo ay naqdiyeen maamulada oo ku baaqay nooc doorasho oo lagu heshiiyey.

Farmaajo ayaa isla Dhuusaamreeb ka bilaabay olole siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, waxaana arrintaas ay su'aal gelineysaa natiijada kasoo bixi doonta shirkan muhiimka u ah xaalada kala guurka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya ku hogaaminayo burbur iyo kala-qeybsanaan 

Warqadda uu soo saaray ayaa si cad uga digtay khataraha soo wajahayso dalka, gaar ahaan daciifnimada midnimada qaran.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 06:28AM

Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Ka Bilaabay Muqdisho – Maxaa Laga Filayaa?

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka diiradda lagu saarayo ka jawaabista qorshaha…

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 08:27PM