Maxaa kasoo kordhay wadahadalada Dhuusamareeb?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkii ay maanta Dhuusamareeb ku yeesheen hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ah maalintii labaad ayaa diiradda lagu saarey arrinta gobolka Gedo iyadda oo wadahadaladda ay gaareen meel adag oo sababay in lagu kala kaco iyadda oo aan is-faham la gaarin.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku adkeystay in uu doonayo in ciidamadda dowladda federaalka laga saaro guud ahaan gobolka Gedo si coddeynta heer federaal ay uga hirgasho gobolkaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa ay maalmaha ka harsan yihiin oo aan tanaasul ah ka sameynin qadiyada Gedo, ayaa lasoo shir-tagay qodobo umuuqda in kaliya diiradda la saaro halka doorashada ka dhaceyso oo ah Garbahaarey.
Farmaajo ayaa doonaya in guddi heer maamul goboleed ay kaliya dib-u-heshiisiin laba asbuuc ah ka sameeyaan Garbahaarey, la geeyo ciidamo boolis AMISOM ah kadibna lagu soo xulo Xildhibaanadda labada Aqal.

Hogaamiyeyaasha ayaa la filayaa in ay dib miiska wadahadalka ugu soo laabtaan caawa si ay xal uga gaaraan qodobkan oo ah kan ugu culus ee sababta u ahaa dib-u-dhaca ku yimid fulinta heshiiskii 17-kii September.

Labada qodob kale ee kamidka ahaa saddexda qadiyadood ee la isku hayay oo kala ah; xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan yahay ayaa la fahansan yahay in lagu dhameeyay wadahadaladii hore.

Guddiyada lagu muransan-yahay ayay isku-raaceen in laga saaro xubnaha la sheegay in ay u jaranjeeraan dhanka Villa Soomaaliya, halka arrinta Somaliland laga dhur-sugayo in ay kasoo heshiiyaan afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM