Maxaa looga hadlay kulanka Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Cali Mahdi?
MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex kamid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan ay uga arrin-sadeen xaalada dalka gaar ahaan mar-xalada kala guurka iyo doorashooyinka ku yeeshay magaala madaxda Muqdisho.
Cali Mahdi Maxamed si lamid ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa si lamid ah isla soo qaadey metelaada gobolka Banaadir.
"Waxaa si’ gaar ah looga hadlay Doorashooyinka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee Dalka," ayaa lagu yiri bayaan.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka
Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah gurigiisa magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed.
Seddexda Madaxweyne ayaa salaan iyo is xog wareysi kadib waxay si’ qotta dheer uga hadleen baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan Xaaladda uu Dalka ku jira.
Waxaa si’ gaar ah looga hadlay Doorashooyinka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee Dalka.
Waxaa leysla soo qaaday Arrimahaan aan soo sheegnay oo keeni kara dhibaato ku timaad habsami u socodka dowladnimo iyo Geeddi socodka Nabadda Soomaaliya taasoo u baahan in laga hor tago, lana helo talo mideysan oo lagu waajaho arrintaas si’ looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.
Waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyneyaasha waxaa ka mid ahaa inuu mira dhalo shirka u socda Beesha Mudullood, waxaana la dhiirra geliyey in shirarka nuucaas ah oo bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran.
Baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si’ Umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa lagu falanqeeyey shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya.
Inkasta oo ay si joogto ah uga hadlaan arrimaha doorashooyinka oo damac uu uga jiro kursiga ugu sareeya dalka, hogaanka Madasha ayaa ka aamusan dastuur jebinta madaxweyne Farmaajo ee xeerka metelaada gobolka Banaadir.
GAROWE ONLINE