Maxaa looga hadlay Shirka Kismaayo ee Madaxweyne Axmed Madoobe gudoomiyay?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amni ee Jubaland, iyadoo sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanada maamulkaasi.

Dhanka kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka oo halis ku ah deegaanka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland, iyadoo sheegtay in gurmad raashiin ah la gaarsiiyay qoysas ay abaartu saameysay, isla markaana ay socdaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha dowladda iyo bahwadaagtooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM