Maxaa Sababay Dib-u-dhaca Imaatinka Ciidamada Masar ee Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda mudo-dhaafka ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hoos u dhigay walaaca laga qabo dib-u-dhaca ku yimid ciidamada Masar ee la filayay inay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintu tahay mid la xiriirta habraacyo farsamo, oo aysan ahayn khilaaf siyaasadeed.

Wareysi uu toddobaadkii hore siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, Cali Balcad ayaa sheegay in Masar ay si cad u muujisay diyaar u ahaanshaheeda inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday ciidamada Masar, isla markaana uu indha-indheeyay heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowgooda.

“Arrintu ma ahan in Masar aysan lahayn rabitaan siyaasadeed ama aysan diyaar u ahayn ciidamadeeda,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya iyo Masar labaduba ay diyaar u yihiin in ciidamada Masar ay ku biiraan howlgalka.

Wasiiru-dowluhu wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay in la hubiyo in ciidanka Masar loo diro Soomaaliya iyadoo la raacayo habraacyada iyo qaab-dhismeedka ay si wadajir ah u ansixiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Wuxuu sheegay in arrimahaasi ay ku jiraan jadwalka wareejinta iyo is-beddelka ciidamada, diyaarinta gaadiidka iyo saadka, shuruudaha hawlgallada iyo arrimo kale oo farsamo oo la xiriira howlgalka.

Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha dhaqaale ay weli yihiin arrin walaac leh, gaar ahaan sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo lagu taageero AUSSOM.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in dhammaan qorshayaasha iyo habraacyada lagama maarmaanka u ah keenista ciidamada Masar la dhammaystiro sida ugu dhakhsaha badan, si ciidamadu uga qeyb qaataan dadaallada amniga iyo xasilinta dalka.

Masar ayaa bishii December 2024 ku dhawaaqday inay ka qeyb qaadanayso AUSSOM, afar bilood kadib markii Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi militari.

Waqtigaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa sheegay in dirista ciidamada ay ku timid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, isla markaana ay oggolaansho ka heshay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Ciidamada Masar ayaa markii hore la filayay inay Soomaaliya yimaadaan sannadkii 2025 ama horraantii 2026, balse howlgalka ayaa wajahaya caqabado la xiriira maalgelinta iyo saadka, maadaama Mareykanka uu joojinaya taageeradda howlgalka AUSSOM December 2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

La-taliyaha Amniga Qaranka oo xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah galeen Itoobiya

Tirada ciidamada arrintan ku lugta leh ayaa si weyn ugu kala duwan warbixinnada la baahiyay, iyadoo warbaahinta qaar ay sheegeen 300 askari.

  • Soomaliya

    02-09-2026

  • 06:55PM

Kalsoonida Deeq-bixiyayaasha ee Maamulka Xasan Sheekh oo Hoos u Dhacday

Marka ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegaan deegaan ay hore u maamuli jirtay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2026

  • 08:42AM