Maxaad kala socotaa xeerka qeexaya midnimadii Koonfur iyo Waqooyi?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midnimadii gobolada Koonfur iyo Waqooyi ee Soomaaliya waxay ku saleysan tahay xeer kaasoo uusan ku jirin qodob ogolaanaya in ay kala noqon/tagi karaan, sidda uu shaaca ka qaadey mas'uul hore.

Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa fahfaahin ka bixiyey xeerkaas.

Xeerkaas oo tirsigiisu yahay lamber 5 ayaa soo baxay 31-dii January, 1961-dii, lix bilood kadib is-raacii labada gobol ee 1-dii Julaayo, 1960-kii markii ay xorriyadooda kala soo noqdeen UK iyo Talyaaniga.

"Qodobada sharciga ee midnimadii Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay xeer lamber 5 oo soo baxay 31-dii January, 1961-dii, marka waa lix bilood ka bacdi ayay si sharci ah u dhacday midnimadii Soomaaliya, waliba qodobkiisa koowaad ayaa wuxuu tilmaamayaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobeen kuna midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, caasimaduna ay tahay Muqdisho, xeerkaasaa aas-aas iyo asal u ah midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii la isugu yimid oo dabaqadiisa ay kasoo bilaabmeyso bishii July 1960-kii dib loogu dabaqayo," ayuu yiri Ibraahim Iidle Saleymaan.

Ibraahim ayaa sidoo kale soo noqday garyaqaanka guud ee Somaliland, xilkaas oo uu iska casilay 27-kii April, 2016, isagoo todobaad kadib laga dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya.

Xeerkaas oo ka koobnaa tobban qodob ayna ansixiyeen mudaneyaashii waqtigaas jiray ee baarlamaanka labada dhinac ayaa si lamid ah xeerinayey in la mideeyo hay'addihii dowladda iyo ciidamadda qalabka sidda.

Xaqiiqadan ayaa meesha ka saareysa sheegashooyin badan oo ka yimaada madaxda Somaliland ee ku aadanaa in aysan jirin heshiis ama qodobo qoran dhinacyadda isla meeldhigeen.

Gudoomiyaha ayaa meesha ka saarey jiritaanka wararka tilmaamaya in Somaliland ay aqoonsadeen in ka badan 30 dowladood kahor midowga, marka laga reebo Ingiriiska oo heshiis ay la galeen.

"Xeerkaas wuxuu tilmaamayaa in midnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan oo waligeed jiraysa, marka kuma yaalo xeerka, si dadban iyo si toosba ha noqotee, qodob tilmaamaya in Jamhuuriyadii Soomaaliya in ay kala noqon karto sidii ay ahayd Somaliland iyo Soomaaliya iyo wax la xiriira toona, ma arkin mana yaalo," ayuu ku adkeystay.

Su'aallaha dadka is waydiinayaan waxaa kamid ah waxa laga yeelayo hadii dhinacyaddu ku heshiiyaan kala tag ama midow, mar kale.

"Marka la eego xeerarka caalamiga ah, qaranimada ma qeybsanto, sidaas darteeda, illaa iyo ay heshiiyaan xeerka aduunka wuxuu u aqoonsanayaa un Jamhuuriyadii Soomaaliya in ay sideedii u taagan tahay, waana sidda iminka loo aqoonsan yahay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu wali u aqoonsan yahay dowlad goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM