Maxamuud Sayid Aadan oo beeniyey in uu wadahadalo la furay DF

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Jubaland, ayaa qashinka ku daray sheegashooyinka ku aadan in uu wadahadalo la furay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xili uu ganafka ku dhuftay wararkaas, Maxamuud oo caddeeyay in ay Jubaland diyaar u tahay miiska wadahadalka oo ay la fariisato xukuumadda dhexe ayaa meesha ka saarey "in lagu wadahadalo suuq madow".

"Maxamuud Sayid Aadan, hogaanka Jubaland ayuu kamid yahay xeer buu maray kitaab llaahey buu ku dhaartay in aan Jubaland u shaqeynayo markii kalsoonida aan ka helay baarlamaanka," ayuu yiri.

Isagoo wareysi uu siiyey Jubaland Tv ayuu raaciyey "wadahadalo lagu xalinayo khilaafka qeyb waan ka noqon karaan, laakiin waa marka aan hogaaminayo wafdi Jubaland ah, laakiin shaqsiyan, maxaan u sheegayaa?".

"Hadii ay iyagu dalbadaan wadahadalo diyaar baanu u nahay, laakiin shaqsiyan ma kitaabkii aan maray ayaan been ka sheegayaan, wax dhici karto maahan, waa wax been abuur ah," ayuu ku adkeystay Maxamuud.

Shuruuda Jubaland ee wadahadalka

Iyaddoo wadashaqeynta labada dhinac ay aad u hooseyso muddo bilooyin ah, xukuumadda Farmaajo, Nabad iyo Nolol, ayaa diidey in ay la shaqeyso maamulka dib loo doortay ee madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

"Hadday maanta soo dhaweeyaan [dib-u-doorashada] waan la hadleynaa, laakiin annagoo Jubaland ah iyo federaal ah baanu u wadahadleynaa," ayuu Maxamuud ku daray oo adkeeyay in ay been tahay wararka laga faafiyey.

Villa Soomaaliya ayuu ku eedeeyay "in ay tuurtay dastuurka federaalka, xeerarka ay ku dhisan yihiin maamulada, nin-tooxsi iyo nin necbeysi ku dagaalameyso, qas ay ka wado degaanada iyo guud ahaan nidaamka federaalka".

Hogaanka dalka ayuu cod dheer ku xusuusiyey "in ay ixtiraamaan aqbalaanna sareynta sharciga iyo dhaartii ay ku mareyn kitaabka EBBE ee ahayd in ay u adeegayaan danta dadka, dalka iyo diinta".

Dowlada federaalka Soomaaliya ee mudada xileedku gabaabsiga ka yahay ayaa dhowr jeer ku fashilantay isku dayo ay ku dooneyso in ay ku kala qeybiso hogaanka Jubaland, iyaddoo adeegsaneyso dhaqaale.

Axmed Madoobe iyo taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa dhowaan ka dhawaajiyey in ay diideen dalab lacageed oo Villa Soomaaliya u soo bandhigtay "si ay ugu hogaan-samaan codsiyadda ay wadato".

Madaxweyne Deni ayaa horaantii bishaan Maaj wuxuu madaxda dowladda iyo maamulada uu ku casuumay wadahadalo ka dhaca Garowe, isagoo safaro uu ugu gogol xaarayo shirkaas u tegaya Muqdisho iyo gobolada wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM