Maxamuud Sayid Aadan oo sharaxaad ka bixiyey safarkiisii Itoobiya

Image
Madaxwayne ku xigeenka Jubaland ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay masiirka gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo lagu muransan yahay.

Isagoo ka hadlayay degmada Doolow ee gobolka Gedo Axaddii, Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda federaalka inay ilaaliyaan sharciga oo ay joojiyaan awaamiirta aan sharciga ahayn.

Aadan ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in uu diiradda saarayay sidii loo wanaajin lahaa wada shaqeynta dhanka amniga ee Jubbaland iyo dowladda Itoobiya, kadib markii dowladda Federaalka ay si degdeg ah u damacday in ciidamada ATMIS-ka laga saaro qeybta 3-aad oo markii hore loo qorsheeyay December.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale cambaareeyay wasiirka amniga dowladda federaalka C/llaahi Fartaag iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo booqasho ku tagay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan maamulka Jubbaland ku eedeysay in ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa sababay in ciidamada XDS dib u gurtaan, taasoo sii xumaynaysa xiriirka Muqdisho iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ka imaanaya dhanka dowladda ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay soo mareen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab ka hor inta aysan duulaanka qaadin, iyadoo madaxda Jubbaland ay si weyn u beeniyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM