Xogo dheeriya oo laga helay shirarkii Deni, Axmed Madoobe iyo safiirada
MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii maalintii shalay madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ayaa sida aan ku sheegney wararkeenii hore waxaa ay kulamo degdeg ah kula galeen garoonka diyaardaha Adan Cabdulle Cismaan inta badan wakiilada beesha caalamka ka jooga caasimadda Qaranka.
Kulamadaan ayaa, sida warsidaha Garowe Online ogaadey, intooda badan waxaa diirada lagu saarey sidii horey ugu sii socon lahaayeen wadahadalada u dhexeeya maamulada iyo dowlada Federaalka, si xal wadajir ah looga gaaro qaabka ay u dhaceyso dooraashada la filayo iney waddanka ka dhacdo dabaayaaqada sanadkaan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa warsidaha GO u sheegey in diblumaasiyiinta gaar ahaan safiirada dalalka Soomaaliya ka tageera iney dib uga soo kabato burburkii ay u gaysteen dagaalada sokeeye ay soo dhoweeyeen booqashada Saciid Deni iyo Axmed ku yimaadeen Muqdisho, iyagoo xusey in labadaan maamul muhiim u yihiin geedi socodka loogu jiro in dalka ka dhacdo doorasho la isla wada-ogol yahay.
Dhinaca kale, waxaa kulamo gaar ah oo kala duwan ay la galeen Madaxweynayaasha labada maamul safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya kuwaas oo diirada lagu saarey xaalada dalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa, sida warar lagu kalsoon yahay tibaaxayaan, fasiraad ka bixiyey qoraal uu barta Twitter soo dhigey intii uu socdey shirkii Dhusamareen3 kaasoo tarjumaado kala duwan ka bixiyeen dadka siyaasada falanqeeya.
GO ayaa fahansan in Yamamoto uu caddeeyay in qoraalkaas uusan si gaar ah ugu socon madaxda Puntland iyo Jubaland balse ujeedkiisu ahaa in dar-dar lagu galiyo go'aan ka gaarista nidaam doorasho oo la isku waafqsan yahay.
Beesha Caalamka ayuu ka dhawaajiyey in ay welwel ka qabto in dhinacyada siyaasada ee kala duwan ee Soomaaliya xagal daaciyaan in dalka doorasho ka dhacdo iyagoo ka leh dano gaar ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa beesha caalamka kala arrin-saday walaaca maamulkiisa ka qabo xaalada siyaasadeed ee ka jirta gobolka Gedo taas oo uu eedeeda dusha ka saarey dowlada Federaalka ah.
Axmad Madoobe ayaa hoosta ka xariiqey in doorasho dalka ka dhacda ay uga muuhiimsan tahay in laga hortago burbur ku yimaada maamul goboleedka Jubaland kaas oo dowlada Madaxweyne Farmaajo khilaaf dhex-dhigtey dadka walaalaha ee kuwada nool gobolka Geddo.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey gudoomiyaha gobolka Gedo kaas oo dowlada Federaalka ah gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha sheegtey in lagu badaley qof kale.
Dowlada Federaalka oo taageero ka helaysa ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaas ayaa badashey dhamaan maamulkii Jubaland u soo magacowdey Gedo waxaana xaalad Malateri ku xukuma saraakiil lagu soo magacaabey wareegto ka soo baxdey xafiiska wasiirka arimaha gudaha Somaaliya.
Tafaasiisha dheeraadka ah ee ka soo baxeysa kulankii beesha caalamka la qaadatey madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa muujineysa in ay codsadeen labada Madaxweyne in kulanka la filayo inuu ka furmo Muqdisho ay ku soo biiraan madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo qayb ka ahaa shirkii la isku khilaafey ee Dhuusamareeb III.
Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaad yahay kuna eg-yahay bisha Febraayo ee sanadka 2021 ayaa, sidda macluumaadyo aad loo hubiyey tilmaamayaan, wuxuu habeenkii xalay ahaa casho ugu sameeyey Villa Soomaaliya madaxda labada dowladood, welina ma jiraan warar rasmiya kasoo baxay casho-sharftaas oo aheyd mid gaar ah.
GAROWE ONLINE