War-murtiyeed laga soo saarey shirka madaxda DF iyo maamuladda

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Kadib wadahadalo intii u dhaxeysay 19-22 July ay madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ku yeesheen Dhuusamareeb, waxaa war-murtiyeed laga soo saarey "wadatashigaas".

Sidda lagu caddeeyay war-murtiyeedka, madaxda ayaa isku raacday in doorashadda soo aadan ay waqtigeeda ku dhacdo. Balse, waxay sheegeen in ay magacaabayaan guddi kasoo talo bixinaya nooca.

Guddigaas oo isku-dhaf noqonaya ayaa laga doonayaa in uu warbixin kusoo saaro muddo laba todobaad ah, sidda ku xusan war-murtiyeedka oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta.

Dhinacyadda ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay laba todobaad kadib shir kale ku yeeshaan Dhuusamareeb, kaasoo looga doodi doono warbixinta guddiga isku-dhafka ah.

War-murtiyeedkan ayaa u muuqda "mid waji-gabax looga badbaadinayo shirka" maadaama aysan hogaamiyeyaasha aysan heshiis rasmi ah ka gaarin nooca ay noqoneyso doorashada oo ahaa ajendaha ugu weyn.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse dowladda hadda jirta oo ku fashilantay in ay hirgeliso halbeegyaddii muhiimka u ahaa waxay dhalisay in shaki la geliyo.

Amni la'aan, shuruucda iyo dastuurka oo aan la dhameystirin si lamid ah Al-Shabaab oo degaano badan gacanta ku haysa iyo dhaqaale badan oo aan jirin ayaa kamid ah caqabadaha ku geedaaman.

Mudadii ay wadahadaladu socdeen, madaxda ayaa si adag uga doodey laba qadiyadood oo kala ah; qabashada doorasho qof iyo cod ah si lamid ah coddeyn dadban, taasoo ay is-afgarad rasmi ah ah ay ka gaari waayeen.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM