Maxay muhiim u tahay in ciidanka ku milmin siyaasadda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kala aragti-duwanaanta ku geedaaman qabsoomida doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya 2020-21 ayaa u muuqaneysa in 48-dii saac ee aynu soo dhaafnay ay isku rogtay gacan-ka-hadal.

Dhinacyada isku-haya siyaasadda ayaa ku guuldareystay in ay miiska wadaxaajoodka ku dhameeyaan khilaafka soo bilooyinkii lasoo dhaafay soo jiitamayey dibna u dhigay qabsoomida coddeynta.

Dowladda federaalka ee waqtiga uu ka dhamaadey ayaa Jimcadii shalay waxay awood ciidan u adeegsatay in ay is-hor-taagto mudaaharaad "nabadeed" oo mucaaradka uu qaban-qaabiyey.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweynaha waqtiga dhacay Farmaajo uu qaadey mas'uuliyada "gabood-falkaas" waxayna wacad ku mareen in ay sii wadayaan isu-soo-baxyadda.

Ra'iisul Wasaaraha xukuumada muddo xileedkeedu dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa banaanbaxa ku qeexay "mid lasoo abaabulay oo ay ilaalinayeen ciidamo aan ahayn askarta dowlada".

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Khamiistii ay Rooble iyo Farmaajo isku-maan-dhaafeen banaanbaxa isla markaana dib loo dhigay go'aan ay xukuumada ku shaacin lahayd in amniga dibadbaxa sugeyso.

Adeegsiga ciidamadda

Sidda muuqaneysa, waxaa khilaafka siyaasadeed kusoo kordhay adeegsiga ciidamadda - taas oo caddeyn u ah in askarta dowladda ay kala qeybsameen, arrintaas oo khatarteeda leh.

Jubaland ayaa "nasiib darro" waxay ku tilmaamtay Villa Soomaaliya ay ciidamadda loogu talagalay la dagaalanka argagixisada "ku waxyeeleyso shacab si nabadgelyo ah u mudaaharaadayey".

Iyaga oo warbaahinta la hadlayey kadib banaanbaxii la rasaaseeyay ee shalay, musharaxiin uu kamid yahay Xasan Cali Khayre ayaa xusay in xalka uu ku jiro ciidanka oo dhexdhexaad noqda kana fogaada in ay ku milmaan siyaasada.

"Hal xal kaliya ayaa furan oo ah inta dooneysa in dalku hagaago, ay ka hor tagaan kuwa u bareeray inay dalka dumiyaan," ayuu Khayre ku daray hadalkiisa isaga oo ka hadlay shirkaas jaraa'id.

Sidda ay warisay Jariirada Global Fire Power, ciidamadda Soomaaliya ayaa qiimeynta sanadlaha ah waxay kaga jiraan kaalinta 34aad isla markaana ay ka sareyso in ka badan 20 dal Afrikaan ah.

Iyadda oo ay tahay guul ka dhalatay dib-u-habeynta la sameeyay sanadihii lasoo dhaafay, sidda ku cad warbixinta majaladda, haddana waxaa wiiqi kara ficilada haatan soo cusboonaanaya.

Ciidamadda waa kuwa had iyo goor u taagan badbaadinta iyo difaaca dalka. Ma jiro boos uga banaan is-qabqabsiga siyaasadda. Hadii khilaaf yimaadana, dhexdhexaadnimadooda waa fursadda xalka ku imaan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM