Maxay Somaliland uga Walaacsan Tahay Booqashada Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood?

Image

HARGYESA, Soomaaliya - Booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee magaalada Laascaanood, ayaa sababay walaac weyn oo Somaliland ma muujisay, maadaama magaaladda iyada laga fara-maroojiyay 2023. Somaliland, ayaa u aragta booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mid iyada xad-gudub iyo faragelin.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqashadiisa ku muujiyey taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee shacabka SSC-Khaatumo. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dardar geliso horumarinta iyo taageerada adeegyada bulshada ee Maamulka dhawaan la dhisay.

“Booqashada Xamse ee Laascaanood, waxaan u aragnaa hadal xadgudub ah, hadal daandaansi ah, hadal xasarad abuur ah hadal colaad hurin ah," ayuu yiri wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Axmed Yaasiin.

Dowladda Soomaaliya, dhanka kale, waxay u aragtaa booqashadan inay tahay mid caadi ah oo la xiriirta gaarsiinta adeegyadeeda dhammaan gobollada dalka, iyada oo aan ahayn mid siyaasadeysan oo cid gaar ah wax loogu dhimayo.

Arrintan ayaa sidoo kale abuurtay xiisad cusub, iyadoo Xamse saacadaha soo aadan uu tagayo Laascaanood, oo uga sii hormaray Ciidamada ilaalinaya amnigiisa, shaqaalaha xafiiskiisa iyo mas'uuliyiin kale. Lama oga inta ay qaadan doonto booqashadda.

“Xamsow waxaad Laascaanood u timaadaa waa inaad xaabo ka dhigato Dadka Reer Laascaanood, oo Doorasho cusub oo dhiig Soomaali ku daato halkaa ka abuurto," ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka warfaafinta Somaliland, iyadoo uu ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo ay ku carqaladeynayaan booqashadda.

Safarkan ayaa aad loo hadal-hayaa, waxaana Ra'iisul Wasaaraha tallaabadan uu qaadey noqonaysaa mid dhabar-jab ku ah Somaliland, oo kala go'a dalka ka shaqeynaysa iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo tan iyo 1991 ku doodaysay inay gooni-ugoosad tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM