Maxay tahay Casuumaadda uu Putin usoo diray Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Putin ayaa casuumaad usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qeybgalo Shirka caalami ah oo ka dhacaya dalkaas dhamaadka sanadkan 2025.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, ahna ergayga Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika Mikhail L. Bogdanov ayaa casuumaadda gudoonsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya intii uu socday kulankoodii Villa Somalia maalintii shalay.

Xasan Sheekh ayaa aqbalay ka qeybgalka shirka Putin uu la yeelanayo madaxda dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyadoo Ruushka uu raadinayo xulafo cusub, maadaama uu dagaal kula jiro Ukraine, oo NATO iyo Mareykanka ay taageerayaan.

Mikhail L. Bogdanov ayaa booqasho labo maalin ah ku yimid Muqdisho, iyadoo uu hogaaminayo wafdi sare oo ka socda dowladda Ruushka, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay tobanaan sano kadib oo Moscow ay xiriir la sameynayso Soomaaliya.

Safarada Xasan Sheekh ee dibadda ayaa noqday kuwii ugu badnaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo mudada uu xafiiska joogo, iyadoo shacabka ku dhaliileen Madaxweynaha inuu dhaqaale badan ku qasaariyo booqashadooyin xili duruufo badan oo abaaraha iyo amniga dalka ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM