Maxay tahay "dhagarta ku jirta" sharciga doorashooyinka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diidmada ka dhanka ah sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee baarlamaanka federaalka ansixiyey ayaa isa soo tareysa, iyaddoo farta lagu wada fiiqayo qodobo halis ah oo ku jira.

Cabdirisaaq Maxamed Sahal [Macoow], oo ka tirsan Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa shaaciyey mid kamid ah qodobada khatarta leh ee ku jira sharcigaas, isagoo ku sifeeyay in ay tahay "dhagar".

Mr Macoow oo degaan doorashadiisu tahay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa mowqifkiisa la xiriira sharciga ka sheegay kulankii saaka ay magaala madaxda Garowe ku yeesheen mudaneyaasha baarlamaanka.

Qodobka uu xusay sharci-dejiyaha ayaa la xiriira Asteynta kuraasta baarlamaanka, kaasoo isbedel ku sameeyay degaan doorashada kuraas ay haatan ku fadhiyaan mudaneyaal ka tirsan xeer-dejinta dalka.

"Dhagarta ku jirta sharciga doorashooyinka waxay tahay; aniga waxaan kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn; dhagarta ku jirta waxaa kamid ah, waxaa lagu qoray Xildhibaanadii kasoo jeeda degmada Buuhoodle waxaa lagu wada qoray gobolka Sool, iyaddoo laga cararayo degaan doorashada degmada Boohoodle oo wax laga qaban karo; sidaan lawada socono gobolka Sool beelihiisu gacanta uguma jiro dowladda federaalka iyo dowladda Puntland-ba; habraaca waxaa ku qoran hadii ay ka qabsoomi weydo arrimo amni ama si kale uga qabsoomi weydo waxaa la geynayaa magaalada Muqdisho, intaa weye waxa loola jeedo," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Xildhibaano badan oo Soomaaliyeed kuraastoodii waxaa lagu qoray meelo la og yahay in aysan munaasab ahayn".

Maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u diiday sharcigaan, iyagoo ka dhawaajiyey in uu u baahan yahay heshiis laga gaaro kahor inta uusan dhamaan muddo xileedka hay'adaha dastuuriga ah.

Is-ogol laga gaaro sharcigaas ayay carabka ku adkeeyeen in ay xaqiijineyso sharciyad ay hesho dowladda cusub ee dhismeysa.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa sababta loo bedelay degaan doorashada kuraasta ku qeexay mid "lagu naas-nuujinayo xubnaha taageersan Villa Soomaaliya".

Is-qabqabsiga ka taagan sharciga doorashooyinka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka 2020-21 oo ay wehliyaan ammaanka, miisaaniyadda iyo qabyo tirka dastuurka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shalay u sheegay Golaha Shacabka in aysan waqtigeeda ku dhici karin doorashooyinkii loo qorsheeyay 2020-21, arrintaas oo siyaasiyiinta ku fasireen muddo kororsi la baadigoobayo.

MUUQAALKA MUDANAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM