Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia ayaa war-murtiyeed kasoo saarey kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho kula yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo Maanta saacado ku sugnaa Caasimada dalka, isagoo booqday xeebta Liido.

WAR-MURTIYEEDKA:

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Mudane Abiy Ahmed, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, intii uu ku sugnaa booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan oo daba socota kulamo xiriir ah oo labada dhinac ay yeesheen bilihii la soo dhaafay waxay xoojinaysaa dib u hagaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxay markale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay wadaagaan si ay uga faa’iidaystaan labada shacab. Iyagoo garwaaqsan xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xadka ay wadaagaan, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni, iyada oo loo marayo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Ethiopia iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal iyo himilo wadajir ah oo ku aaddan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyaga oo taas ka duulaya, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgal dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka shacabka.

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay Bayaanadii Ankara, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is-afgaradka ay gaareen taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF), iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo wanaajiyo nolasha muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM