Maxay Xasan Sheekh uga dhigan tahay dib u doorashadda Axmed Madoobe?

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dib-u-doorashada Axmed Madoobe ayaa gilgishay Villa Somalia, waxaana warbaahinta dowladda baahinayaan wararka lagu mucaaradayo doorashadii ka dhacday Kismaayo, iyadoo la marsiinayo fariimaha shaqsiyaad Jubaland xilal kasoo qabtay iyo kuwa hadda haya oo gudoomiyaha Gedo uu kamid yahay.

Doorashaddii Kismaayo ayaa xaqiijisay Axmed Madoobe awoodiisa maamul ee Jubaland oo tan iyo 2013 xukumayo, waxayna caqabad weyn ku tahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qorshihiisa doorasho qof iyo cod ah ee laga qabto maamul goboleedyada 2025, isku xirka howlgallada militeri iyo dhameystirka dastuurka.

Waxay u badan tahay inuu Xasan Sheekh gali doono gorgortan, si uu ula heshiiyo Jubaland iyo Puntland, oo muhiim u ah geedi socodka dib u dhiska dalka, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo isku dheelitirka awoodda dowladda dhexe iyo maamuladda federaalka, oo qaar aan ku qanacsanayn sida Villa Somalia u wado nidaamka doorashadda iyo dastuurka KMG.

Axmed Madoobe wuxuu helay taageeradda mucaaradka Xasan Sheekh, waxaana u bilowday dagaal lamid ah midkii dowladdii Farmaajo, oo isku dayday inay iyadoo adeegsanaya Ciidanka Gorgor iyo kuwa Itoobiya la wareegto maamulka Jubbaland 2019kii.

Shirkii ugu dambeeyay ee gollaha Wadatashiga qaran oo ku dhawaad bil ka socda Villa Somalia ayaa fashil ku dhamaadey, sababtuna waxay ahayd maqnaashaha saamileyda qaar, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, oo markii hore Xasan Sheekh rabey la'aantooda inuu jaangooyo arrimaha masiiriga ah, balse noqon waysay.

Markii shirka dhamaadey Xasan Sheekh wuxuu cod dheer ku sheegay inuu diyaar u yahay in degaanadooda ugu tago Madaxda khilaafka kala dhaxeeya hadii ay casuumaan, si loo dhameeyo xiisadaha siyaasadeed ee jira, ama ay ugu yimaadaan Muqdisho. 

Axmed Madoobe markii uu ka baxay Shirka ayuu istaagey, waxaana Xasan Sheekh sameeyay dadaallo lagu soo celinayo, oo illaa Ruto la gashay inuu waydiistay taageero dhex-dhexaadin ah, maadaama Kenya saameyn ku leedahay Jubaland, oo Ciidankeeda ilaaliyaan Kismaayo.

Isku-daygii ugu dambeeyay ee Villa Somalia oo lagu fashilin lahaa doorashadda Jubaland ayaa guuleysan waayay, waxaana Axmed Madoobe u hirgelay qorshihiisa dib u doorashadda, isagoo hadda ay labo mid noqon doonto, in dowladda Federaalka la heshiiyo ama inta uga dhiman Xasan Sheekh mudo-xileedkiisa dagaalka mucaaradka qeyb ka ahaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM