Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in go’aankii Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 ku aqoonsatay Somaliland uu ahaa “mid ka mid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya”, isagoo xusay in dowladdiisu ay dooratay wadahadal iyo qancin halkii ay xoog ciidan adeegsan lahayd.

Wareysi uu bixiyay, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka fiirsatay laba waddo oo kala ah in khilaafka Somaliland lagu wajaho awood ciidan ama wadahadal.

“Waxaan miisaannay labadaas waddo, ugu dambeyntiina waxaan doorannay wadahadalka iyo qancinta. Inkastoo ay arrintani soo jiitamaysay in ka badan 30 sano, haddana waxay ahayd waddada ugu habboon marka la eego duruufihii jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Israa’iil aysan waligood yeelan xiriir diblomaasiyadeed ama iskaashi rasmi ah, inkastoo Soomaaliya ay aqoonsan tahay jiritaanka Israa’iil maadaama ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.

“Ma diidi karno jiritaanka Israa’iil dal ahaan, balse ma lihin xiriir ama iskaashi. Soomaaliya waxay Israa’iil u aragtaa awood duullaan iyo gardarro ku haysa shacabka Falastiin,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin, isagoo sheegay in mowqifkaas ay la qabaan inta badan dowladaha caalamka.

Isagoo ka hadlayay sababaha Israa’iil ugu dhaqaaqday aqoonsiga Somaliland, ayuu sheegay in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay sabab u noqdeen in Tel Aviv ay dano istiraatiiji ah ka aragto qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Israa’iil dhowr jeer Soomaaliya ka dalbatay iskaashi, balse dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya ay mar walba diideen sababo la xiriira mabaadi’da diinta, qiyamka bani’aadannimo iyo mowqifyada siyaasadeed.

“Waxay heleen dad quus ka taagan raadinta aqoonsi muddo dheer socotay, dabadeedna way ka faa’iidaysteen,” ayuu yiri isagoo ula jeeday hoggaanka Somaliland. “Tani waa qalad istiraatiiji ah oo Somaliland gashay, waxaana laga yaabaa inay Soomaaliya geliso xaalado aan loo baahnayn.”

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa loo arkaa dhabar-jab diblomaasiyadeed oo ku yimid Muqdisho, oo weli Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah Soomaaliya, inkastoo ay si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday sanadkii 1991. Dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hortimid dadaal kasta oo lagu aqoonsanayo madax-bannaanida Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh oo si ka duwan sidii laga filayay uga jawaabay gefkii weynaa ee Trump u geystay Soomaaliya

Haddalka Xasan Sheekh ayaa muujinaya dabacsanaan diblomaasiyadeed, isagoo dhanka kalena difaacay sharafta dadka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    12-06-2026

  • 08:42PM