Maxbuuskii Shabaab ee ka baxsaday Xabsiga Muqdisho oo la aqoonsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamadda Asluubta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ay aqoonsadeen maxbuuskii Al-Shabaab ee shalay ku baxsaday shaqaaqadii ka dhacdey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, isla markaana 2014-kii loogu xukumay 10-sano argagixisnimo ayaa la ogaadey in uu ahaa maxbuuska ka fakaday jeelka.

Dhowr illo wareed oo dhanka amniga ah ayaa tilmaamay in Iidle uu banaanka xabsiga ku dilay laba qof intii uu baxsanayey. Midkood wuxuu ahaa darawal mooto Bajaaj, kan kalena ruux shacab ah.

Wararka qaarkood ayaa xusaya in Mukhtaar uu horey u qaatay Mootada, inkasta oo aanan wali si dhab ah loo ogaan halka uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana ku raad-jooga ciidamadda ammaanka dowladda.

Sidda laga soo xigtay xogo sirdoon, Iidle ayaa 2012-kii ku biiray Al-Shabaab, wuxuuna kasoo howlgalay Baraawe iyo Galgala. 2014-kii ayaa laga soo xiray degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sagaal kamid ah maxaabiista ku dhimatay jeelka ayaa ku xukunaa xabsi daa'in; saddex waxay ku xukumanaayeen min 15-sano oo xarig ah, laba kalena min 8 iyo 6 sano.

Maxaabiista dhimatay waxaa kamid ah mid arrimo loo qoys loosoo xiray; wararka qaarkood waxay xusayaan in uu u xukumanaa "caasi-waalideenimo".

Toogashadii shalay ka dhacdey xabsiga ayaa ka dhalatay markii hub ka kooban bastoolado iyo bam-gacmeedyo loo dusiyey maxaabiista Al-Shabaab, taas oo dhalisay in ay iska hor-imaad la galaan ciidanka.

Dowladda federaalka ah oo guddiga lix xubnood ah u saartay qaabka hubka loogu dusiyey xabsiga ayaa sheegtay in 15 maxbuus ay ku dhimatay weerarkaas, todoba kalena uu kasoo gaarey dhaawacyo.

Xukuumadda oo balanqaadey in ay soo bandhigi doonto natiijadda baaritaanka xasaasiga ah ayaa xustay in ay su'aalleyso laba kamid ah maxaabiista shaqaaqada ka qeyb-qaadatay, kuwaasoo dhaawac ah.

Sikastaba ha ahaatee, toogashada ayaa si gaar ah kaga dhacdey qeybta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay kaga jiraan maxaabiista ku xukuman mudda dheer, halkaasoo ay si madax-banaan isugu maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta Gareen oo Doha Kulan Qarsoodi ah kula yeeshay Farmaajo - XOG

Lafta-Gareen inuu Madaxweyne ka noqdo Koonfur Galbeed waxaa ka dambeeyay Farmaajo, oo dowladiisa dhiig badan ugu daadisay Baydhabo.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 09:30AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM