Jubaland oo si kulul uga hadashay falalka ay DF kawado gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta war qoraal ah kasoo saaray "falalka sharci daradda ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo" ee hoostaga maamulkaas.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 21-ka May sanadkan 2020-ka ayaa wuxuu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] gaar ahaan waaxda warfaafinta.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Jubbaland ayaa waxay "ka xun tahay falalkaas oo sababay khalkhal amni, jahwareer siyaasadeed iyo burbur bulsho".

Falalkaas, sidda ku cad qoraalka, waxay isugu jiraan ciidamo ay "dowladdu u daabushay gobolka, magacaabida gudoomiyeyaal sharci darro ah iyo mas'uuliyiintii hore oo qasab looga saarey xafiisyadda".

Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku doodey in magacaabida gudoomiyeyaasha gobolada hoostaga maamulada uu dastuurka u ogolaanayo in ay soo magacaabaan ismaamuladda waddanka.

"Sidaas darteeda, dowlad goboleedka Jubbaland waxay caddeyneysaa in ay waddo dowladda federaalka ku xadgudubka dastuurka iyo baabi'inta nidaamka federaalka ah ee dalka u degan," ayaa la raaciyey.

Shacabka iyo hay'addaha caalamiga ah ayaa la faray in ay la shaqeeyaan gudoomiyeyaasha ay Jubbaland aqoonsan tahay ee sidda "juujuubka ah xafiisyadda uga saartay dowladda federaalka".

"Ugu dambeyntii, dowlad goboleedka Jubaland waxay u digeysaa shakhsiyaadka sameynaya kutakrifalka awoodeed ee aysan lahayn iyo ku xadgudubka sharciga, waxayna la tiigsaneysaa maxkamad sidda waafaqsan dastuurka dalka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa la fahansan yahay in ay wado qorshe ay ku caawinayaan ciidamo Itoobiyaan ah kaas oo gobolka Gedo ay kaga hirgelineyso dowlad goboleed ka madax-banaan Jubbaland.

QORAALKA JUBBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM